Yaa Loo Magacaabay Agasimaha Warfafinta ee Maamulka Khatumo State (Maxayse Ka Qortay Warbaahinta WidhWidh Online)
Maalmo ka Hore ayaa Waxaa ka soo baxay Xafiiska Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed Khaatumo State Of Somalia Warqad Lagu Shaaciyey Agaasimaha Waaxda Warfaahinta Ee Wasarada Arimaha Bulshada Dawlad Goboleedka Khaatumo State Of Somalia.
Magacaabista Agaasimaha Waaxda Warfaahinta ee Wasaarada Arimaha Bulshada Ayaa Timi kadib Markii uu Madaxwaynuhu Lasameeyay Wadatishiyo Qoto Dheer Masuuliyiinka Maamulka khaatumo State of Somalia.
Maxamuud Maxamed Xasan (Maxamuud Boocame) Ayaa Loo magacaabay Inuu Yahay Agaasimaha Waaxda Warfaafinta ee Wasarada Arimaha Bulshada Khaatumo State.
Waa Kuma Maxamuud Xasan (Maxamud Boocame?
Maxamud Xasan ayaa ahaa nin 14 kii sano ee la soo dhaafay ku jiray Saxaafada Soomalida isaga oo qaatay shahaada Sare dee Media ah ama Saxaafada, kana qaatay Magaalada London. Waxaa kale oo uu bilaabay innuu sameeyo Wabsite adduunka laga akharisto isaga oo ku dadaalay innuu soo saaro website ya leeyahiin Wariyayaal ka soo jeeda deegaanka Khatumo State, isaga oo ku bilaabay Wabsitekiisa Boocame.com. Waxaa kale maxmuud uu la soo shaqeeyay TV faro badan oo ay ka mid yihiin TV Qaranka ee Soomaliya iyo Somali Channel oo ahaa TV la galay dagaal maamulka Khatumo sidaasna uu ugu tagay maxamud boocame isaga oo aan eegayn lacagta uu qaadanayay ee uu eegayay dagaalka lagula jiro bulashadiisa iyo maamulkiisa xiligii uu curtay ururkii SSC ee halganka sare ka soo galay dhisada maamulka khaatumo ee maanta jira.
Agaasimaha Waaxda Warfaahinta ee maamulka khaatumo Mudane Maxamud Boocame ayaa ahaa nin lafdhab u ahaa Saxaafada Maamulka Khaatumo isaga oo u soo halgamay deegaankiisa mudo dheer, waqti badana siiyay sidii loo hormarin shacabka reer khaatumo oo ay haysteen dhibaatooyin badan.
Warbaahinta WidhWidh Online ee sannadkii tagay ayaa waxay siinaysaa Wariyaha sannadkaas Maxamud Xasan Boocame oo isagu ahaa nin galay halkan culus oo aan cidina galin maadaama uu yahay ninka ugu culus dhinaca saxaafada ee maamulka Khatumo State ee sannadihii la soo dhaafay.
WidhWidh Online News Desk













comment closed