Xildhibaano Dowlada ugu Baaqay in ay Maamul Loo Dhan Yahay u Sameyso Gobolka Galgaduud
Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya sidoo kalena kamid ah Xildhibaano dhawaan kasoo noqday Gobalka Galgaduud ayaa wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya iminka ay wado qorshe maamul loogu dhisayo Gobalada dhexe ee dalka Soomaaliya.
Xildhibaanka ayaa sheegay in Dowladda qorshaheeda uu yahay dhisida maamul KMG ah oo muddo lix bilood ah shaqeynaya kaasi oo laga hirgeliyo Gobalada dhexe ee dalka Soomaaliya.
Mahad Salaad ayaa sheegay in shacabka Gobalada dhexe ee dalka Soomaaliya ay diyaar u yihiin in loo dhiso maamul KMG ah sidoo kalena maamulada iminka ka jira Gobaladaasi ay kala soo hadleen dhisida maamulka KMG ah ee Dowladda diyaarna ay uyihiin.
Dhawaan ayuu sheegay in Gobalada dhexe ee dalka Soomaaliya ay booqan doonaan wafdi ka socda Xukuumadda Soomaaliya laguna dhawaaqi doono maamulka KMG ah ee Gobaladaasi.
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan dib uga soo noqday Gobalada dhexe ee dalka Soomaaliya kuwaasi oo soo googol xaaraye maamulka iminka la qorsheynayo














comment closed