War Culus: Qorshaha Saacid Booska looga Saarayo + Isbahaysiga Cusub Ee SNM Iyo DamulJadiid (Akhriso)
Waxaa la filayaa in dhawaan uu ka bilowday magaalada London shirkii ugu dambeeyay ee lagu midayn lahaa wadankii la oran jiray Soomaaliya.
Shirkan ayaa waxa kasoo qeyb gali doona wufuud ka kala socota dowladda Federalka Soomaaliya iyo maamulka la magac baxay Somaliland. Shirkan ayaa la filayaa in lagu soo afjaro kala qeybsanaantii jirtay 22kii sanno ee lasoo dhaafay, halkaasna uu maamulka Somaliland kusoo biiro dowladda cusub ee Federalka.
Hadaba si looga miro dhaliyo shirka London, waxa qasab noqotay in banaanka lagu gorgortamo oo ceyriinka lagu kala qeybsado hilbaha ka hor inta aan la iskugu imaan shirka London.
Dowladaha Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa hada go’aansaday inay si dhab ah daacad ugu noqdaan xal u helidda dhibaatada Soomaaliya, waxayna labada dhinac culays ku saareen inay ka dhabeeyaan heshiisiinta iyo midnimada Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamud oo safaro rasmi ah ku kala tagay London iyo Washington lana kulmay labada hogaamiye ee wadamadaas, ayaa waxa laga codsaday in Somaliland la siiyo jagada Ra’isal Wasaarenimo, taasoo ay codsadeen Somaliland si ay uga soo laabtaan mowqifkooda gooni isku-taaga.
Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa ku qasbanaaday inuu ogolaado dalabkaas, si uu ugu guuleysto qancinta iyo soo celinta Somaliland, wuxuna dib ugu soo laabtay Muqdisho isagoo wata ogolaanshaha dalabkaas.
Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa si toos ah kulan ula yeeshay Ra’isal Wasaare Saacid, wuxuna usoo bandhigay shardiga adag ee lagu soo xiray iyo inuu la xaliyo xaaladda midnimada Soomaaliya, wuxuna madaxweyne Xasan ka codsaday Ra’isal Wasaare Saacid inuu la qaato dalabkaas uuna si niyadsami ah isku casilo si uu taariikhda Soomaaliya baal-dahab ah uga galo, uuna u noqdo hogaamiyihii labaad ee Soomaaliya ee kursigiisa uga tanaasulay midnimada iyo isku heynta Soomaaliya.
Ra’isal Wasaare Saacid ayaa hada ku maqan wadatashi iyo shirar uu wali la leeyahay lataliyayaashiisa iyo madaxweyne Xasan Shiikh oo ay habeen hore saqdhexe ku gaareen kulan ay ku lahaayeen Hotel Jaziira. Haddii uu diido Ra’isal Wasaare Saacid inuu kursigiisa u baneeyo Somaliland, waxa madaxweyne Xasan Shiikh ku adkaan doonta inuu si qasab ah uga qaado xilka Ra’isal Wasaare Saacid, maadaama uusan wali si cad ugu qeexneyn dastuurka cusub awooda madaxweynaha ee xil ka qaadista Ra’isal Wasaaraha.
Waxa markaas loo baahan doonaa mooshin xilka-qaadis ah oo ay soo bandhigaan xildhibaanada baarlamaanka kadibna cod loogu qaado golaha baarlamaanka taasoo aan la ogeyn sida loogu guulaysan doono iyo cawaaqibka ay reebi doonto haddiiba sidaas xilka looga qaado Ra’isal Wasaare Saacid.
Waxaase la odorasayaa in ka hor uu si iskiis ah u aqbalo Ra’isal wasaare Saacid, dalabka baryaha wata ee uu soo hordhigay madaxweyne Xasan Sh. Maxamud.














comment closed