War Culus Oo Yaab Ku ah Bulsha Somaliyeed Madaxweynaha Soomaaliya Iyo Ra’iisal wasare Saacid Oo Khilaf Cusub Soo Kala Dhex Galay
Madaxweynaha dowlada Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raisul wasaare Saacid ayaa waxaa soo kala dhex galay khilaafkii ugu xooganaa kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu Raisul WQasaare Saacid ka dalbaday in uu xilka iska casilo.
Kadib markii Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Mud.Xasan Sheekh Maxamuud uu ka soo laabtay dalka Britain lana soo kulmay Raisul Wasaraha Dalkaasi David Cameron ayay ku soo wada hadleen amaba meel isla soo wada dhigeen in xilka Jagada raisul wasaarenimo loo magacaabo shaqsi ka soo jeeda deegaanada Somaliland lana sameeyo (Power Sharing) Awood qaybsi.
Raisul wasaaraha dalka ingiriiska David Cameron ayaa wada qorshe ah in dowlada Soomaaliya loo kala qaybiyo Koonfur iyo Waqooyi waxaana arinkasi xaqiijiyay Madaxweynaha Somaliya mar uu lahadlayay Saxafadda Muqdisho.
Hadaba go?aanka Raisul wasaare David Cameron waxaa horey u wada qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Raisul wasaare Saacid hayee shee Raisul wasaare Saacid ayaa ka laabtay go?aankiisii hore ee ahaa in uu kursiga u baneen doono ruux ka soo jeedo Somaliland, inkastoo isla raysal wasaare saacid horey u sheegeen inuu Kurisiga uga kici doono wixii midnimada Somaliya dhalinaya.
Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya (Villa Somaliya) Madaxtooyada ayaa sheegaya in uu hareeyay buuq iyo muran ka dhex taagan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Raisul wasaare Saacid kaasi oo ka dambeeyay in jagada Raisul wasaaranimo loo magacaabo shaqsi Somalilander ah.
Warar kale ayaa sheegaya in xildhibaanada iyo 2 Wasiirada ee ka soo jeeda Somaliland ee ka tirsan xukuumada Saacid ay dalbadeen in dowlada Somalia labo loo kala qeybiyo Koonfur iyo Waqooyi taasi oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu dhabadeedii hayo.
Si kastaba ha ahaatee dowlada cusub ee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ay dheeleysaa kaartadii ugu dambeysay isagoona doonaya in uu daaqada ka tuuro gooni isu taaga jamhuuriyada Somaliland isagoona sidoo kale damacsan in inta aan lagaarin shirka Somaliland iyo Somalia ay dowlada Somalia noqoto mid Koonfur iyo Waqooyi ah shirkana lagu cadeeyo in dadka Soomaaliyeed aysan marnaba kala maarmi Karin dalkana lakala goyn karin.
Barlamaanka Somaliya Ayaa ka faa idaysanaya Siyasadda cakiran ee imika ka taagan Somaliland taasoo ay Xukumada Somaliland ay kukaceen Dufaano Mucaarid ah oo kakala imanaya Gobalada Somaliland iyo Shcibka qaarkood, waxaa kaloo jira in Madaxtooyada Somaliland uu kataagan yahay murankii ugu sareeyay tasoo lagu tartamayo Hoganka 5 sano ee soosocda cidii u tartami lahayd.
Ugu danbayntii Xildhibanada kusugan Muqdisho ee kasoo jeeda Somaliland Ayaa waxa ay barayahan bilaabeen olole aad u baladhan taasoo ay keeneen Meshin Odhanaya in calanka Somaliya gabi ahaantiisba labadalo si ay dadka reer waqooyi u imaadaan Muqdisho waana ta ugu horaysa ay ku iman karaan in la mideeyo labadaa Gobol, sidaasna waxaa soo dhaweeyay Xildhibaano badan wallow taasi ay keentay muran aad ah.













comment closed