Thierry Henry Oo Sheegay In Uu Rajeynayo In Uu Ku Soo Laabto Kooxda Arsenal
Xidigii hore ee Arsenal Thierry Henry ayaa mar kale ku celiyay in uu doonayo in u ku soo laabto kooxda Arsenal xilli sidoo kale uu walaac ka muujiyay dhaleeceynada uu la kulmayo macalinka kooxda ee Wenger .
Laacibkaan oo haatan ka ciyaaraya horyaalka Mareykanka ayaa u saftay Arsenal 250 kulan xilayadii 1999 iyi 2007-dii , waxa uuna 35-sano jirkaasi aad u xiiseynayaa in Arsenal ku soo laabto marka hishiiskiisa kooxda Mareykanka uu u soo dhamaado.
” Qalbikeyga waxa uu ku xeran yahay Arsenal aad ayaan u jeclahay , dhab aahantii in aan Arsenal u soo laabto ayaan rabaa, wadadii ay doonto ha igu qaadato waa iga go`an tahay in aan Arsenal ku soo laabto” ayuu yiri Henry .
” Marka aad guuleysan wesyo waa dhab in dadka is weydiiyaan shaqadaada , waa murago dhaleceynta uu la kulmayo Wenger , waa tababare weyn waana garanayaa waxa uu sameynayo ” ayuu sii raaciyay laacibkaani Thierry Henry













comment closed