• HOME
  • WARARKA SOMALIA
  • ENGLISH NEWS
  • MAQAALLO
  • SUUGAAN
  • WARAYSI
  • CAYAARAHA
  • CANTACT
  • GABAY
  • ISLAAM
  • MAAHMAAH
  • RADIO
  • TACSI
  • TAHNIYADA
  • Dhacdooyinka Caalamka
  • Video
  • News Paper
  • Islamic Link
  • 9:08 pm » Somalia celebrates the 50th Anniversary of the OAU in Mogadishu
  • 9:06 pm » Xukuumada oo soo dhaweysay ka noqoshadii mooshinka baarlamaanka kana hadashay arrimaha Jubaland iyo wada-xaajoodka Somaliland(Daawo Sawirada)
  • 9:03 pm » Prime Minister welcomes progress in parliament and outlines road ahead on Jubaland and Somaliland
  • 6:26 pm » Dhagax Mas isku Badalay Subxaalaah Daawo Video Mucjisada Ah(Daawo Video)
  • 6:12 pm » Madaxweynaha Soomaaliya Xasan iyo Wafdi Uu Hogaaminaayo U ama Baxay Dalka Ethiopia
  • 6:10 pm » Buurista ilaahey Badanaa Awoodiisuna Weynaa(Bal Daawo Sawiradan Mucjisadaan)
  • 5:57 pm » Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia Warqad Culus u Diray Dowladda Itoobiya(Top News)
  • 3:13 pm » Daawo Sawiro} Qurxoon Ee Magaalada Xamar_laguxidh Oo Katirsan Degmada Widhwidh
  • 2:47 pm » UEFA Oo Ku Dhawaaqi Doonta In Kooxdii Ku Guuleysata Europa League Ay U Soo Bixi Doonto Champions League.
  • 2:23 pm » Dr Saacid oo ka Hadlay “Mooshinkii Xukuumadda laga keenay, Arinta Kismaayo, Amaanka. Dhaqaalaha(Halkan Ka Dhagayso)

Garsooreyaasha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa wada diyaar garow aad u xoogan

Published on Feb 11 2013 // CAYAARAHA
Share

Garsooreyaasha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa wada diyaar garow aad u xoogan oo ay ugu diyaar garoobayaan tababar heer caalami ah oo ay bixineyso FIFA.

Tababarkaas ayaa ka dhici doona dalka Jabuuti bisha maarso ee inasoo aadan , sida war saxaafadeed uu caawa xafiiskiisa kasoo saaray uu ku sheegay xoghayaha Guud Cabdi Qani Saciid Carab.

Xoghayaha guud waxaa uu war saxaafadeedkiisa ku xusay in garsooreyaashu ay muddooyinkan dambe wadeen tababar joogto ah oo noocyo kala duwan ah, waxaana tababarkaasi uu si isku mid ah uga socdaa Muqdsiho iyo qeybo ka mida gobalda dalka oo garsooreyaal kale lagu diyaarinayo.

“Waxaanu leenahay macalimiin khabiiro ah oo ay ka mid yihiin garsooreyaashii hore ee caalamiga ahaa Cabdi Cabdulle Axmed (Baasaale) iyo Xasan Maxamed Maxamuud (Farey)—runtii aad ayaan ugu kalsoonahay aqoonta iyo waaya aragnimada macalimiintan oo awood u leh in ay tababarkaas FIFA lasoo tiigsadaan garsooreyaal tayo sare leh”ayuu war saxaafadeedkiisa ku sheegay xoghayaha guud Mr.Cabdi Qani Saciid Carab Caawa.

Waxaa uu sheegay xoghayuhu in koorsada FIFA ay kasoo qeyb geli doonaan28 garsoore oo ka kala socda goballda bartamaha iyo koofurta dalka, Somaliland, Puntland iyo Galmudug, taasoo qeyb ka ah qorshe aqoonta kubada dalka oo dhan loogu baahinayo.

“Koorsadu waxaa ay socon doontaa muddo 5 maalmood ah 3-7-da bisha dambe ee Maarso—xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta waxaa uu xooga saarayaa sidii uu sare ugu qaadi lahaa tirada iyo tayada garsooreyaasha, taasina waa sababta aan sanad kasta u qabano tabbarka heer FIFA ugu yaraan hal jeer iyo ilaa iyo 5 tababar oo dalka gudhiisa ah”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab.

Waxaa uu xoghayaha guud amaan u jeediyay ururka kubada cagta aduunka ee FIFA oo uu sheegay in uu dadaal aad u weyn ku bixiyay sidii uu xiriirka Soomaaliyeed uga gacan siin lahaa horumarinta kubada cagta dalkan oo ah dal ay aad u bur buriyeen dagaalo sokeeye kuwii ugu xumaa ee dunida soo mara muddo ka badan 20 sanadood oo lasoo dhaafay.

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta waxaa sanadihii lasoo dhaafay guri u ahaa dalka aanu walaalaha nahay ee Jabuuti oo uu sidoo kalana ku qabsanayay tababarada heer caalami maadama rabshdah adalka Soomaaliya ay ka hor joogsadeen FIFA in ay macalimiinteeda usoo dirto dalka. Garoon heer caalami ah oo ayan Soomaaliya lahayn hada ka hor ayaa ahayd caqadb kale oo ka hor joogsaneysay macalimiinta FIFA in dalka Yimaadaan.

Garoonka kubada cagta Stadium Banaadir ayaa dhawaan lagu dhameystiray dhigista cowska laakin waxaa wali harsan qeybo kale oo muhiim ah oo garoonka kamid ah kuwaas oo dayac-tirkooda la filayo in uu soo dhamaado ugu dambeyn bisha April ee sanadkan.

Xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab ayaa sheegay in marka dhismaha garoonka qeybaha kaharsan lasoo dhameystiro oo xaalada adman ee dalkuna ay noqto 100%  uu aad ugu rajo weynyahay tababarada ka xiga in lagu qabto magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Shaafici Muxuyadiin Abuukar

LIKE- DHEH SI AAD UGA MID NOQO ASAXAABTA WIDHWIDH ONLINE

|| Soo Booqo Mar Walba WidhWidh Online||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com --

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!
  • Who's Online

    • 2 Members.
    • 733 Guests.
  • Follow Me WidhWidh On

  • BREAKING NEWS

    • Somalia celebrates the 50th Anniversary of the OAU in Mogadishu
    • Xukuumada oo soo dhaweysay ka noqoshadii mooshinka baarlamaanka kana hadashay arrimaha Jubaland iyo wada-xaajoodka Somaliland(Daawo Sawirada)
    • Prime Minister welcomes progress in parliament and outlines road ahead on Jubaland and Somaliland
  • Dhagayso BBC & VOA

    Idaacada 04:00 GMT
    Idaacada 11:00 GMT
    Idaacada 14:00 GMT
    Idaacada 18:00 GM

    Idaacada 04:00 GMT
    Idaacada 07:00 PM
    Idaacada 08:00 PM

>> << WidhWidh TV

  • Muuqaal Murugo Leh oo hadii aad Daawato ilmo kaa quban Doonto laga Soo diyaariyey Soomaaliya(Daawo Video)

    Muuqaal Murugo Leh oo hadii aad Daawato ilmo kaa quban Doonto laga Soo diyaariyey Soomaaliya(Daawo Video)

  • Caruurta yar yar ee ku nool Magaallada Muqdisho oo la sheegay in loo geysto kufsi iyo faraxumayn(Daawo Video)

    Caruurta yar yar ee ku nool Magaallada Muqdisho oo la sheegay in loo geysto kufsi iyo faraxumayn(Daawo Video)

  • Dhacdo Naxdin iyo Murug badan leh oo qabsatey hooyo Soomaaliyeed oo ku nool Dalka South Africa(Daawo Video)

    Dhacdo Naxdin iyo Murug badan leh oo qabsatey hooyo Soomaaliyeed oo ku nool Dalka South Africa(Daawo Video)

  • Magalada Muqadisho oo Amiirka Alshabaab Magacyo Top ah ula Baxay

    Magalada Muqadisho oo Amiirka Alshabaab Magacyo Top ah ula Baxay

  • Alla Gabadhaan Xaasidsanaa Bal Daawo Siday Gacaliyaheeda U Galayso(Daawo Video)

    Alla Gabadhaan Xaasidsanaa Bal Daawo Siday Gacaliyaheeda U Galayso(Daawo Video)

  • Maamulka Khaatumo Wada Qorshe Lagu Hormarinayo Maamulkaas(Daawo Video)

    Maamulka Khaatumo Wada Qorshe Lagu Hormarinayo Maamulkaas(Daawo Video)

  • Tuug Gabar Alaab Ka Dafay Oo ilbiriqsi Gudihiis Bas Ku Jiiray(DAAWO VIDEO LA YAAB LEH)

    Tuug Gabar Alaab Ka Dafay Oo ilbiriqsi Gudihiis Bas Ku Jiiray(DAAWO VIDEO LA YAAB LEH)

  • Gabar Muslimad ah oo Soo Saartay Muuqaal Malaayiin Qof Jeclaadeen ‘MASHA’ALLAH”(DAAWO VIDEO)

    Gabar Muslimad ah oo Soo Saartay Muuqaal Malaayiin Qof Jeclaadeen ‘MASHA’ALLAH”(DAAWO VIDEO)

  • Hadii aad Maqli Jirtay Soomaalidu Waa Xoolo Dhaqato(Daawo Video)

    Hadii aad Maqli Jirtay Soomaalidu Waa Xoolo Dhaqato(Daawo Video)

  • Deeq la gaadhsiiyey dadka dhimirka ka xanuunsan ee Buuhoodle (Video)

    Deeq la gaadhsiiyey dadka dhimirka ka xanuunsan ee Buuhoodle (Video)

  • Shacab Soomaali Fadeexeysay Duq maagaala Toronto oo Si Fudud Ku Taajirtay (YAABKA YAABKII)(DAAWO VIDEO)

    Shacab Soomaali Fadeexeysay Duq maagaala Toronto oo Si Fudud Ku Taajirtay (YAABKA YAABKII)(DAAWO VIDEO)

  • Warar Dheeraad ah oo Ka Soo Baxaya Dagaal Gacmaha La Iskula Tagay ee Jabhada SNM Xafladoodii(Daawo Video)

    Warar Dheeraad ah oo Ka Soo Baxaya Dagaal Gacmaha La Iskula Tagay ee Jabhada SNM Xafladoodii(Daawo Video)

  • Barnaamij Shactiro ah oo Loogu Magac Daray Asbuucii Shactirada(Daawo Adiga uun Baa Qosoli)

    Barnaamij Shactiro ah oo Loogu Magac Daray Asbuucii Shactirada(Daawo Adiga uun Baa Qosoli)

  • Horgal Xaabsade oo Waashay iyo Jawaabta ka Soo Yeedhay Bulshada Laascaanood(Daawo Video)

    Horgal Xaabsade oo Waashay iyo Jawaabta ka Soo Yeedhay Bulshada Laascaanood(Daawo Video)

  • Snm Oo ku Fashilantay Ceerigaabo 18May Iyo Maalinta Nadaafada Khaatumo oo Laga xusay(Daawo Video

    Snm Oo ku Fashilantay Ceerigaabo 18May Iyo Maalinta Nadaafada Khaatumo oo Laga xusay(Daawo Video

  • Caalimka Ugu sareeya Yahuuda oo qiray in Islaamku uu yahay Diinta Xaqa ah oo Alle soo dejiyey(ALLAHU AKBAR DAAWO VIDEO)

    Caalimka Ugu sareeya Yahuuda oo qiray in Islaamku uu yahay Diinta Xaqa ah oo Alle soo dejiyey(ALLAHU AKBAR DAAWO VIDEO)

  • Shacabka Reer Lascanod oo Saaka U dareeray Qashin Gurkis 18 May(Daawo Video)

    Shacabka Reer Lascanod oo Saaka U dareeray Qashin Gurkis 18 May(Daawo Video)

  • Xayawaanaadkii Dalkeen Hooyo Xabada Uga Cararay oo Wadamada Dariska Ku Sugan & Kenya oo Lacag Ka Dharegtay(Daawo Video)

    Xayawaanaadkii Dalkeen Hooyo Xabada Uga Cararay oo Wadamada Dariska Ku Sugan & Kenya oo Lacag Ka Dharegtay(Daawo Video)

  • Bal Nalo Daawo Dhacdooyin Qosol badan (Waa Hubaal Inad Qosli doonto)(Daawo Video)

    Bal Nalo Daawo Dhacdooyin Qosol badan (Waa Hubaal Inad Qosli doonto)(Daawo Video)

  • Waligaa Ma Aragtay Dagaal Dhex Maray Mas Iyo Daanyeer(Daawo Video)

    Waligaa Ma Aragtay Dagaal Dhex Maray Mas Iyo Daanyeer(Daawo Video)

Copyright © 2014 WidhWidh Online
Powered by Radiowidhwidh | WidhWidh Online by Vister

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress