Gabay Kaftan Siyaasadeed xiiso badan oo Dhax maray Madaxweyne Siilaanyo iyo Feysal Cali Waraabe(Q-2aad)
Waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaaQeybtii 2-aad Suugaan kaftaneed dhax maray Madaxweynaha Maamulka gooni go’a daneenaya ee Somaliland iyo Hogaamiyaha Xisbiga Mucaarudka Ucid oo isna ka dhisan Somaliland.
Faysal- Dabkaa Xamar Ka Daarmee Lagu Wada Diirsaday Miyaan Dacal Ka Raacnaa?
Siilaanyo- Midaas Dayrta Maanta ah Damaceed Ma Haayee Wax Ka Daran ayaa Jira Hadaan Laysku Diidayn
Faysal- Armaad Daruuraha Martaayoo Xamar Aad u Duushaa ood is Dabaalineysaa?
Siilaanyo- Hadii Aan Ka dego Xamar ma anaa Dakana Qaba isku Duubni Weeyoo Dadku Way Jecelyihiin Daarana Waan ku leeyahay
Faysal- Shirkado dhoora Miyaa Doorkii Hore Ku Saaroo Dibaan Kaa is taagiye sidaad Doonta yeel Dibnihiisa Kaa yiri?
Siilaanyo-Malaha waad il Duufteye Shirkado horteed baa Darajooyin waa weyn Duudkayga Saaraa Duurkaan Ka aado Waan usoo dib jiray
Faysal- Dooda Badan Ma Daynaa intaan culimo Duub Wayn Deegaankeena buuxino Dalka Ma U Ducaynaa?
Siilaanyo- Duco Diidi Maayee Shalay iyo Doraabaa idaacadii La Daaraba aad ka Doobinaysee Horta yaad u Duubnayd ma anigaa ku Dirayoo afhayeen Dal kaa dhigay?
Faysal- Damiirkay canaantoo Duq Xisbi ayaan ahay aan Duugoobin abid inuu dalaco mooyee Markuu Daahir Jiifsado waa taan Dacaayad is la Jiibineynee ma hadaa Dareen Dhacay oo Afka layska Duubaa?
Siilaanyo- Nabadaa Dugsoonee Daain Uu nasiiyee Dariskeen inoo Qiray Waa inaan Daryeelaa Dugaagana Ka celinaa umintana udiidnaa Diintana Ku Dhowraa
DHAMAAD
Qore Cabdulaahi Ibrahim Cabdi (Mureec)













comment closed