Falanqeynta Kulanka Xiisaha Iyo Xamaasada Leh Ee Horyaalka La Liga Ee Kooxaha Valencia v Barcelona.
Weeraryahanka kooxda Valencia Roberto Soldado ayaa ku soo laabtay garoonka tababarka ka dib dhaawac uu la maqnaa, waxaana laga yaabaa inuu ku soo bilowdo kulanka caawa ay Barcelona kula ciyaarayaan Mestalla.
Kulanka: Valencia v Barcelona
Garoonka: Mestalla Stadium
Waqtiga: 9pm SGA
| LINE-UPKA MACQUULKA AH: |
|
VALENCIA
Alves Pereira, Rami, Ruiz, Cissokho Albelda, T Costa Piatti, Banega, Guardado Soldado |
BARCELONA
Valdes Alves, Pique, Mascherano, Alba Xavi, Busquets, Fabregas Pedro, Messi, Villa |
Weeraryahanka kooxda Valencia Roberto Soldado ayaa ku soo laabtay garoonka tababarka ka dib dhaawac uu la maqnaa, waxaana laga yaabaa inuu ku soo bilowdo kulanka caawa ay Barcelona kula ciyaarayaan Mestalla.
Si kastaba, Dani Parejo iyo Jonas ayay u badan tahay inaysan ciyaari doonin dhaawac awgii, halka Nelson Valdez uu isna shaki ku jiro inuu ciyaari karo.
Daafaca bidix Jeremy Mathieu ayaa ka soo kabsaday dhaawac canqowga ah laakiin ma ciyaari doono kulankaan, halka Sofiane Feghouli uu ka soo laabtay koobka qaramada Afrika waxaase laga yaabaa inuu kursiga keydka ku soo bilowdo.
Barcelona ayaa dib u soo dhaweyn doonta Gerard Pique ka dib markii uu ganaax kaga maqnaa kulankii ay 5-1 kaga badiyeen isbuucii hore kooxda Osasuna.
Weeraryahan Isaac Cuenca ayaana ka maqan Barca ka dib markii maalintii ugu danbeysay ee suuqa kala iibsiga amaah lagu siiyay Ajax.
| MA OGTAHAY? |
- Valencia ayaa badisay afar ka mid ah shantii kulan ee ugu danbeysay La Liga.

- Los Che ayaa laga badiyay seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee ay la ciyaareen Barcelona iyadoo mudadaas laga dhaliyay 8 gool halka ay iyaga dhaliyeen kaliya hal gool.
- Markii ugu danbeysay oo Valencia ay gurigeeda kaga badiso Barcelona waxa ay aheyd March 2008 kulan ka tirsanaa Copa del Rey iyagoo ku badiyay 3-2.
- Barcelona ayaa badisay labo ka mid ah shantii kulan ee u danbeysay tartamada oo dhan.
- Iyagoo dhaliyay 71 gool 21 kulan oo La Liga oo ay ciyaareen Blaugrana ayaa ah kooxda ugu weerarka fiican ilaa iyo haatan La Liga.
- Lionel Messi ayaa si rikoor cusub ah 11 kulan oo isku xigta shabaqa ka soo taabtay La Liga













comment closed