Daawo Sawirrada aroos wadareedkii ugu weynaa oo taariikhda dhaw dhaca oo kumanaan leesugu guuriyay.
Kaniisada lagu magacaabo Unification Church ee dalka Kuuruiyada koofureed ayaa waxa ay qabatay xaflada arooseed si wadar ah leesgu guurinayo 3,500 oo lamaane oo ka kala yimid 70 dal uu dunada kamid ah.
Xaflada oo Axadii dhacday ayaaa waxa ay aheyd tii ugu horeysay ee nuuceeda ah ee Kaniisadu qabato tan iyo geeridii aasaasihii Kaniisada Reverend Sun Myung Moon oo sanad kahor dhintay.
Waxaa xaadir ku ahaa halka xafladu ka dheceysay ilaa 20,000 saraakiil kaniisadeed ah waxaana lasheegay in ay si live ah ugala socdeen aaldaha livestream-ka sheekada 8,500 oo lamaane kuwaas oo xaflada lagu xasiimay.
Unification Church ayaa waxa ay sheegataa in ay xubna malaayiin ah kuleedahy dunida daafaheeda kala duwan
Xaaskii uu ka geeriyooday aasaasihii Kaniisadaan oo lagu macgabaabo Hak Ja Han,ayaa iyadu waxa ay u hanbaleyneysay lamaanayaasha is guursanaya.













comment closed