Banki Mon oo Sheegey in Dib u Eegis lagu Sameynaayo Cunaqabateynta Dhanka Hubka ee Saaran Soomaaliya
Banki Mon oo ah Xoghaayaha Guud ee Qaramada Midoobay aya shaaca ka qaaday in dib u eegis lagu sameynaayoXayiraadda Hubka ee Saaran Soomaaliya Tan iyo Markii ay Burburday Dowladii Dhexe ee Soomaaliya balse ay iminka ay u suurto gasho in dib u dhis lagu sameeyo ciidamada amaanka Soomaaliya.
Xoghayaha Guud ee qaramada Midoobay ayaa Tilmaamay in ka qaadista Xayiraadda Hubka ay Soomaaliya ka Caawineyso Dib u dhiska Ciidmada qalabka Sido iyo Cirib Tirka Kooxda Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay.
Ban Ki Mon ayaa Sidoo kale Xusay in Haatan La Joogo Xilligii ugu Habonaa ee Soomaaliya Laga qaadi Lahaa Cunna qabateynta Hubka.
“ Soomaaliya waxa ay Gashay Isbedel Cusub waxayna Yeelatay dowlad Cusub oo wax qabadkeedu uu Muuqdo” Sidaasi waxaa Yiri Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay.
Hadalka Ka soo baxay Ban Ki Mon ayaa waxa uu Imaanayaa Xilli uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max’uud uu horay Kaga Codsaday Beesha caalamka isagoo ka qayb Galaya Shir Madaxeedka Midowga Afrika in Soomaaliya laga qaado Xayiraadda Hubka sidoo kalena kulan Gaar ah uu Magaalada Adis kula qaatay Ban Ki Mon uguna baaqay in Soomaaliya laga qaado Cunaqabateynta.













comment closed