Baarlamaanka Jaamacada Carabta oo ku Baaqay in Cuna Qabateynta Hubka laga Qaado Soomaaliya
Shir ay Baarlamaanka Jaamacadda Carabta ay shalay ku yeesheen magaalada Qaahira ayaa lagu taageeray in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaraan, talaabadaan ayaa dowladda Soomaaliya u ololaynaysay muddo sannado ah si ciidanka Soomaaliya dib loogu dhiso, taasi oo weli Golaha Ammaanku aanu go’aan ka qaadan.
Kulankaan ayaa Soomaaliya waxaa uga qeyb galay afar xildhibaan waxaana xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kulankaasi ka qeybgalay uu usheegay warbaahinta in shirkaasi lagu g’aamiyey qodobo dhowr ah oo khuseeya arrimaha dalka soomaaliya, shirka Jaaamacadda carabta ayaa lagu sheegay in jaamacadda carabtu ay gacan kageysaneyso dib udhiska hay’adaha dowladda soomaaliya iyo soo celinta nabadda waxaana shirkaasi si weyn loogu taageeray in lagaqaado cunaqabateynta hubka eesaaran si ay dib ugu dhisto hay’adaheeda amniga.
Dhinaca kale waxaa maalinta arbacada ah oo barri ku beegan ka bilaabanaya magaalada Moscow ee dalka ruushka shir u dhexeeya dalalka jaamacadda carabta iyo dalka ruushka kaas oo looga hadalayo arrimo ay kamid yihiin xaalada dalalka Suuriya , Falastiin, Soomaaliya iyo dalal kale oo carbeed,waxaana shirkaasi sidoo kale looga hadlayaa xoojinta iskaashi dhexmaraya carabta iyo dalka ruuska iyadoo ay xusid mudan tahay in ajandaha shirka ay ku jirto sidii wax looga qabanlahaa dhulka Falstiin ay yahuudu boobka ku hayso.













comment closed