• HOME
  • WARARKA SOMALIA
  • ENGLISH NEWS
  • MAQAALLO
  • SUUGAAN
  • WARAYSI
  • CAYAARAHA
  • CANTACT
  • GABAY
  • ISLAAM
  • MAAHMAAH
  • RADIO
  • TACSI
  • TAHNIYADA
  • Dhacdooyinka Caalamka
  • Video
  • News Paper
  • Islamic Link
  • 8:08 am » Waraysi Xiiso Badan oo uu Bixiyay Dr. Cali Ciise Cabdi(Halkan ka Dhagayso)
  • 7:55 am » Waraysigi BBC La Yeelatay Dhagar Qabihi SNM Xasan Ciise(Halkan Ka Dhagayso)
  • 7:33 am » Xaaskii 14 ee Boqorka Dalka Swaziland oo Magan Gelyo Qaxootinimo Waydiisatay Ingiriiska(Waa Maxay Sababtu)
  • 7:28 am » Shacab Soomaali Fadeexeysay Duq maagaala Toronto oo Si Fudud Ku Taajirtay (YAABKA YAABKII)(DAAWO VIDEO)
  • 7:18 am » Magaalada Muqdisho oo Saakay Dad Badan Lagu Qabqabtay iyo Xarunta CID-da oo ay Buuxdhaafiyeen
  • 7:14 am » Hubka Culus iyo Madaafiicda Barre Hiiraale, Xagee Bay Magaalada Kismaayo kasoo galeen?(Waa Yaab Yaabkiise)
  • 7:05 am » Madaxwaynaha 5naad ee Waamo State Cumar Buraale oo Kismaayo Lagu Caleema Saaray
  • 6:10 pm » Madaxda Napoli Oo London Kula Kula Yeelatay Rafael Benitez Iyagoo Baadigoobaya Macalin Cusub
  • 5:44 pm » Wafdigii Dowlada Faderalka ahaa ee ku sugnaa Kismaayo oo Lagu Amray Inay isaga Baxaan Magaaladaas
  • 5:33 pm » Warar Dheeraad ah oo Ka Soo Baxaya Dagaal Gacmaha La Iskula Tagay ee Jabhada SNM Xafladoodii(Daawo Video)

Aniga Iyo Gacaladey Ha Naloo Garnaqo ! Sheeko Xiiso badan.

Published on Feb 02 2013 // MAQAALLO, NEWS, WARAR, Wararka Somalia
Share

Guurkayaga ka hor waxaannu ahayn dhig iyo udub, ul iyo diirkeed, ceeshow milix, haan iyo hadhuubkeed, iyo wax walba oo dad hilow, kalgacal iyo jacayl isu qabaa wadaagaan. Iyadu anigay ahayd, aniguna iyadaan ahaa! Haddase xaalkagayagu waa garan waa.

Isma jeclin ismana necbin, isma dhegaysanno ismana maqalno, isma tix galinno iskumana tanaasulno, isma qadarinno ismana qiimaynno, isma dhawrnno ismana dhaqaalaynno, isma dhuganno iskumana dhololno, dhunkasho iyo isku dhegna hadalkeedaba daa. Arrinkayaga waxa lagu soo ururin karaa: “Kala go’ kala lulashaa dhaanta.”

Layskuma kaaya qasbin ee intaannu is calmannay baannu haddana is calfannay. Waxayse sheeko dhabaqday markaannu isku hoy noqonnay.

Wax badan waxa dhegahayga ku soo dhici jiray “Naagaa rag is dhaafshay.” Markaasaa intaan hoos isula faqay baan is idhi: malaha waxa kaa dhimaniba waa naag. Iyada lafteeda wax badan baa loogu sheekeeyay, looguna maahmaahay “Naagi god ha kaaga jirto ama gunti rageed.” Markaasay godka waxay ka door bidday guntiga ragga. Taasaa marka horeba malaha isku kaaya keentay

Guurkayagu kumuu dhisnayn qorshe, ee wuxuu ku dhashay qooq. Intay sheeko noo socotay waxa dhexdayada ka ilmo roganayay jacayl dhicisa, ase aannu u haysannay dhammays. Isna intii birta loo soo siday buu bakhtiyay, waayo mabaan arag aqalgalkayaga dabadii.

Ceel nin galay baa laga waraystaaye, kuwaan u tilmaan doontay waxay igula taliyeen inaanay naagtu jiljilayc iga dareemin, hadalka barin, la tashan iyo wax la hal maala.

 

Anoo caadiya baan duulkaas goor baas la tashadee, waxaan ka soo noqday anoo garaaddo iyo gacan maroodi yeeshay. Iyana dhinaceeda kuwii ugu dhawaa waxay kula taliyeen: “Yaanu ninku kaa dareemin inaad jeceshahay, hadal naxariis lehna ha ku dhihin. Markuu wax kuu sheego ugu jawaab maxay dee iwm.

Kolkaa iyana iyadoo caadiya bay qoladaas u tagtee waxay soo noqotay iyadoo gowso iyo geeso lo,aad yeelatay. Yartu tiiba ma’aha, anna haba sheegin!

Bilihii hore waxanu ku wada joognay xiise isku kaaya hayay, xishood iyo sarriigasho ay iyadu muujinaysay, ixtiraam iyo qadarin aannu u haynay dadka martida noo ahaa noona shaqaynayay, wax intaa dhaafsiisanse kumaanu wada joogin.

Waxa laga yaabaa inaad tidhaa armay ku qadarinaysay oo aad kala masuugaysaa? Xaasha! Waayo markay dadkii naga tegeen baan arki lahaa haddii qadarin iyo ixtiraam meesha yaalo, anbase kuma dhaamee maxaan kula yaabayaa.

Ka hor intaannan is guursan waxay filaysay in guurku yahay deganaansho iyo raaxo, waxayse gashey dab iyo raran, anna waxaan eegayay kob calaf leh inaan degayo, waxaanse is arkay anoo kadabkay go,ay.

 

Way dulman tahay, anna ka darri. Waannu wada dulmanahay. Yaa na dulmaya tolw? Cid kale loo saari maaye annaga uun baa isdulmaynna. oo sawtii dulmigu xaaraanta ahaa? kaayagani xaaraan ma’aha! Oo haddaa ma xalaal baa? xalaalna ma’aha, ee ka fursan waa baa kan la yidhaa!

Shaqo rasmiya ma hayo, haddana deeqdiisa Eebbe iima darna, oo gowskayga iyo gabadhaydaba waan ka adagahay.

Haddii aan wax farsamaysan lahaa adduun awr gooyaa waa ii dhigmi lahaa.

Waxase i waalay labada reer (qaadka iyo naagta) oo dhiigayga iyo dheecaankaygaba qaybsadey. Marar aan badnayn ooridaydu waxay isku mashquulisaa siday u ogaan lahayd dakhligayga, anna waxa i wareeriyay sidaan u ogaan lahaa da’deeda, hase yeeshee midkaayana guul kama gaadho.
Badiyaa guriga ma fadhiisto oo waxan u arkaa jeel naagtu leedahay. Markaan ka maqanahay uma soo xiiso.

Waxa aan ka warqabaa in mar walba dacwad iga dhan ah meesha lagu diyaariyo, iyana mooyi inay maqnaanshahayga door biddo. Maqaaxida qofka ugu danbeeya ee ka kaca ayaan ahay. Ma aqaano sababta laakiin rag baa iyagu fiidkaba yaaca.

Tolow ma dumaradooda ayay ka baqaan, mise naago wanaagsan bay qabaan baan is kula showraa.Badiyaa shaqada waxaan ka imaaddaa anoo daallan, maalin maalinna cadhaysan. Xilliyada aan cadhaysnahay anoo buufta haya ayaan guriga soo galaa, dabadeedna anoon cidna la hadlin baa waxaan is bilqaa sariirtayda jiiq jiiqda badan.

Mararka qaar waxaan maqlaa qof ku leh ooridayda hebel wuu cadhaysan yahay ee orod oo deji oo bal waxa ku dhacay weydii. Jawaabta ay bixiso ayaaba ka sii daran! Waxay tidhaahdaa waa qushigiisa, danihiisuu u cadhaysan yahay.

Wallee inaanan halkaa u dhaafayn! Odhaahdan danbe dhinbiil igaga kulul, dacarna igaga qadhaadh. Markaasaan is idhaa ma taasaa naag kuu noqon.
Markaan ugu horreeyo waxaan hoydaa 12:00 habeenimo. Ooridayda oo cadhaysan baa irridda iga furta. Markaasay iigu hanjabtaa inaanay habeen danbe iga furayn, anna hadalkeeda waxba kama soo qaado, saa mirqaan baaban cirkaa marayaaye.

Qof hurdo ka soo kacay bay iska dhigtaa, waxaanse dareensanahay inaanay hurdin ee ay i sugaysay. Wacnaan lahaydaa iyadoo iyadoo igu salaanta: Gacaliye waad iga raagtay.

Caawa oo dhan baan ku sugayay ee maxaa ku helay”, habboonaan lahaydaase inaan idhaa: Gacaliso waan kaa soo daahay ee raalli noqo intaan labada indhood dhexdooda ka dhunkado illayn waa xaaskaygiiye.” Mase dhacdo. Oo tolow maxaa dhaqankaa noo diiday? Jawaabtu waa dhaqankaasi mid burinaya ballankii la nala galay bilawgii dhismaha gurigayaga ee ahaa inaanaan wax jacayl ah iyo naxariistoonba isu muujin.

Annagoo xaaladdaa ku jirna ayaa waxa soo kordhay uur. Gabadhi uma shaqayso, anna ma caawiyo, igamana sugayso oo arrinkaasi khusayeeba ma ihi! Oo tolow miyaan xilba i saarrayn? Aniga waxa i khuseeya inaan u imaaddo, raashin bisil oon bakeeri biyo lagu cabbaa ka dhinayn. Hadday dhici weydo iyadoo weliba ii soo wadda oo leh waan xanuunsanayay, ma sugee waxaan ka hor geeyaa hadallo deel qaaf ah oo damiirka damqaya, dadnimadana wax yeelaya sida: ” Wallaahi waad kibirtay, iyo naa mana xanuunsanayside waad is yeel yeelaysaa”, weliba hanjabaadna waan u sii raaciyaa. Markaasaa intay is ciil kaambido ayay hoos u oydaa, kuna calaacashaa: “nasiibkaygu xumaa ma kanuu Alle ii qoray.”

Anna dheg jalaq uma siiyo, mana damqado oo isma idhaa ka nax waa xaaskaagii oo xaamilo ahe, waayo naxariistaba waxaan u haystaa nacasnimo inay tahay. Sow yaab ma’aha!

Iyadoo uur leh lama socdo xaaladeeda caafimaad, maalinna uma raacin goobaha xanaanada hooyada uurka le, mana aha mid ii taalla, ee waxa keliya ee meesha ii yaallaa inay ilmo ii dhasho bes.

Waan dareensanahay in ay cuntadii guriga ka go,day oo ay caatawday, is mase idhaa caawa hoteelka cunto yar oo dhadhan leh uga soo qaad, ama waa dumare macmacaan yar u sii gad. Iyana intay fududaydba isma odhan jirin xaajiga ka yaabi caawa oo casho yar oo heer sare ah iskugu celi. Xaajiyadda iyo canjeeradaba khaati baan ka is taagay oo way i daashadeen.

Dadkayaga ma jecla, waxanay ugu sii neceb tahay hooyaday. Marar badan waxaan ka maqlay “Islaantii ku dhashay baa maanta nala joogtay.” Af adagaa adhaxda ka jabto! Bal maxaa u diiday in ay iska tidhaahdo” Hooyaa maanta joogtay.” Aniguse kama ficil qaato oo hooyadeed waan ixtiraamaa, Taasa malaha lagu tilmaami karaa arrinka kaliya ee aan waddadda kaga wanaagsanahay ama ku dhaamo.

Uguma yeedho magaceeda sidii nimaan aqoon! Waxa aan yaryarka ku idhaa: “waar tii idin dhashay meeday”, iyana sidoo kale.

Markaannu isku dhacno waxay hore ka tidhaa i fur haddaad nin tahay, anna ma furo illayn ninba ma ihiye ! Oo haddaa maxaan ahay tolow? U badi magac u yaal.

Nin reer miyiya ayaa lagu yidhi: Xaaskaagu inay dhimato miyaad jeceshay? Maya buu yidhi. Markaasaa la yidhi waayo? Wuxuu ku jawaabay waxaan ka baqayaa inaan farxad u dhinto. Annaga xaalkyagu weli halkaa ma gaadhin, laakiin waxan arkayaa anagoo ku sii soconna iyo annagoon kaba war qabin.

Axmed Ismaaciil Maxamuud “Axmed Deeq”
E-Mail: awliyo177@hotmail.com

LIKE- DHEH SI AAD UGA MID NOQO ASAXAABTA WIDHWIDH ONLINE

|| Soo Booqo Mar Walba WidhWidh Online||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com --

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!
  • Who's Online

    • 1 Member.
    • 615 Guests.
  • Follow Me WidhWidh On

  • BREAKING NEWS

    • Waraysi Xiiso Badan oo uu Bixiyay Dr. Cali Ciise Cabdi(Halkan ka Dhagayso)
    • Waraysigi BBC La Yeelatay Dhagar Qabihi SNM Xasan Ciise(Halkan Ka Dhagayso)
    • Xaaskii 14 ee Boqorka Dalka Swaziland oo Magan Gelyo Qaxootinimo Waydiisatay Ingiriiska(Waa Maxay Sababtu)
  • Dhagayso BBC & VOA

    Idaacada 04:00 GMT
    Idaacada 11:00 GMT
    Idaacada 14:00 GMT
    Idaacada 18:00 GM

    Idaacada 04:00 GMT
    Idaacada 07:00 PM
    Idaacada 08:00 PM

>> << WidhWidh TV

  • Shacab Soomaali Fadeexeysay Duq maagaala Toronto oo Si Fudud Ku Taajirtay (YAABKA YAABKII)(DAAWO VIDEO)

    Shacab Soomaali Fadeexeysay Duq maagaala Toronto oo Si Fudud Ku Taajirtay (YAABKA YAABKII)(DAAWO VIDEO)

  • Warar Dheeraad ah oo Ka Soo Baxaya Dagaal Gacmaha La Iskula Tagay ee Jabhada SNM Xafladoodii(Daawo Video)

    Warar Dheeraad ah oo Ka Soo Baxaya Dagaal Gacmaha La Iskula Tagay ee Jabhada SNM Xafladoodii(Daawo Video)

  • Barnaamij Shactiro ah oo Loogu Magac Daray Asbuucii Shactirada(Daawo Adiga uun Baa Qosoli)

    Barnaamij Shactiro ah oo Loogu Magac Daray Asbuucii Shactirada(Daawo Adiga uun Baa Qosoli)

  • Horgal Xaabsade oo Waashay iyo Jawaabta ka Soo Yeedhay Bulshada Laascaanood(Daawo Video)

    Horgal Xaabsade oo Waashay iyo Jawaabta ka Soo Yeedhay Bulshada Laascaanood(Daawo Video)

  • Snm Oo ku Fashilantay Ceerigaabo 18May Iyo Maalinta Nadaafada Khaatumo oo Laga xusay(Daawo Video

    Snm Oo ku Fashilantay Ceerigaabo 18May Iyo Maalinta Nadaafada Khaatumo oo Laga xusay(Daawo Video

  • Caalimka Ugu sareeya Yahuuda oo qiray in Islaamku uu yahay Diinta Xaqa ah oo Alle soo dejiyey(ALLAHU AKBAR DAAWO VIDEO)

    Caalimka Ugu sareeya Yahuuda oo qiray in Islaamku uu yahay Diinta Xaqa ah oo Alle soo dejiyey(ALLAHU AKBAR DAAWO VIDEO)

  • Shacabka Reer Lascanod oo Saaka U dareeray Qashin Gurkis 18 May(Daawo Video)

    Shacabka Reer Lascanod oo Saaka U dareeray Qashin Gurkis 18 May(Daawo Video)

  • Xayawaanaadkii Dalkeen Hooyo Xabada Uga Cararay oo Wadamada Dariska Ku Sugan & Kenya oo Lacag Ka Dharegtay(Daawo Video)

    Xayawaanaadkii Dalkeen Hooyo Xabada Uga Cararay oo Wadamada Dariska Ku Sugan & Kenya oo Lacag Ka Dharegtay(Daawo Video)

  • Bal Nalo Daawo Dhacdooyin Qosol badan (Waa Hubaal Inad Qosli doonto)(Daawo Video)

    Bal Nalo Daawo Dhacdooyin Qosol badan (Waa Hubaal Inad Qosli doonto)(Daawo Video)

  • Waligaa Ma Aragtay Dagaal Dhex Maray Mas Iyo Daanyeer(Daawo Video)

    Waligaa Ma Aragtay Dagaal Dhex Maray Mas Iyo Daanyeer(Daawo Video)

  • Horumarka Adduunka gaadiid cusub oo cirka iyo dhulka loo wada isticmaali karo waa noocma toloow?(Daawo Video)

    Horumarka Adduunka gaadiid cusub oo cirka iyo dhulka loo wada isticmaali karo waa noocma toloow?(Daawo Video)

  • Arooskii Ugu Naxdinta Badnaa Aduunka iyo Dadkii Kasoo Qeybgalaya(Daawo Video)

    Arooskii Ugu Naxdinta Badnaa Aduunka iyo Dadkii Kasoo Qeybgalaya(Daawo Video)

  • Wiil Laba Gabdhood Hal Mar Jaceyl Been ah Ku Beeray, Maxay Sameeyeen Markii Ay Arinka Ogaadeen??(Daawo Video)

    Wiil Laba Gabdhood Hal Mar Jaceyl Been ah Ku Beeray, Maxay Sameeyeen Markii Ay Arinka Ogaadeen??(Daawo Video)

  • Maxkamada Magaalada Minneapolis ee Mareyknka oo Xukun Kala Duwan Ku riday Dhalinyaro Soomaaliyeed(Daawo Video)

    Maxkamada Magaalada Minneapolis ee Mareyknka oo Xukun Kala Duwan Ku riday Dhalinyaro Soomaaliyeed(Daawo Video)

  • Mucjiso Iyo Qosol Isku Jira oo Malaayiin Qof La Yaabeen(Daawo Video Qosol Badan)

    Mucjiso Iyo Qosol Isku Jira oo Malaayiin Qof La Yaabeen(Daawo Video Qosol Badan)

  • Dhacdo Naxdin Leh oo ka Dhacday Dalka Nigeria Aduunkana Ka Yaabay “Hadaawan Hadii aadan Awoodin”(Video)

    Dhacdo Naxdin Leh oo ka Dhacday Dalka Nigeria Aduunkana Ka Yaabay “Hadaawan Hadii aadan Awoodin”(Video)

  • Warysigii Feysal Cali Waraabe oo Cadeeyay In Puntland Iyo Somaliland ay Ku Heshiiyeen in Dalka Aysan Dowladdi Ka Dhalan(Daawo Video Qosol Badan)

    Warysigii Feysal Cali Waraabe oo Cadeeyay In Puntland Iyo Somaliland ay Ku Heshiiyeen in Dalka Aysan Dowladdi Ka Dhalan(Daawo Video Qosol Badan)

  • Waa Arin Yaab Badan ah Nin Qamaar Udhigtay Xaaskiisa Lagana Cunay Hortiisana Lagu Gaxeystay(Maxaa Dhacay Kadib Daawo Video)

    Waa Arin Yaab Badan ah Nin Qamaar Udhigtay Xaaskiisa Lagana Cunay Hortiisana Lagu Gaxeystay(Maxaa Dhacay Kadib Daawo Video)

  • Dalka Ingiriiska oo Gacanta Dhigay Danbiilihii Ugu Raadiska Badnaa ( Daawo Video+Sawirro)

    Dalka Ingiriiska oo Gacanta Dhigay Danbiilihii Ugu Raadiska Badnaa ( Daawo Video+Sawirro)

  • Gabar U Dhalatay Wadanka Soomaaliya oo Nin ay saaxiibtinimo laba Caruur ah Ugu Dhashay Ku Dilay Dalka Canada(Daawo Video)

    Gabar U Dhalatay Wadanka Soomaaliya oo Nin ay saaxiibtinimo laba Caruur ah Ugu Dhashay Ku Dilay Dalka Canada(Daawo Video)

Copyright © 2014 WidhWidh Online
Powered by Radiowidhwidh | WidhWidh Online by Vister

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress