Tirada dadka Soomaaliyeed ee kasoo laabanaya maalin kastaa dalka Kenya ee soo gaaraya Muqdisho
Magaalada Muqdisho waxaa ku soo badanaya dadka Soomaalida ah eekaso cararaya dalka kenya ka dib markii lagu amray inay ku laabtaan dalkooda,
Waxii ka dambeeyay markii qaraxyada ay ku bateen magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa dowlaada dalkaasi ay amartay in dadka Soomaaleda dib ay ugu laabtaan dalkooda.
Waxaana taasi ay dhalisay in dad badan oo Soomaali ah ay dib ugu soo laabtaan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.
Shacabka Soomaalida ee kasoo laabanaya magaalada Nairobi ayaa la sheegayaa in maalmaha qaar ay gaaraan ku dhawaad 400 ilaa 500 oo isugu jiro dhalinyaro iyo waalidiin,sida ay sheegeen masuuliyiinta garoonka diyaarada ee magaalada Muqdisho.
Dhanka kale shirkadaha diyaarahada ee xafiisyada ku leh magaalada Nairobi ayaa tilmaamay in uu aad u soo badanayo tirada dadka aaday dalka kuwaas oo si weyn u buux dhaafiyay xafiisyada shirkadaha.
Dowladda Kenya ayaa horay u shaacisay in dadka dagan magaalada Nairobi ay dib ugu laabtaan xeryaha qaxootiga ee ka dhisan dalkaas














comment closed