Qiso naxdin leh oo ka dhacday Magaalada Mombasa !!! Magaalada Mombasa ee Caasimadda labaad dalka Kenya ayaa waxaa ka dhacday dhacdo ay
Ciidamada booliska Mombasa ayaa gacanta ku soo dhigay mid kamid ah labadii Nin ee geystay falkii wuxushnimada ahaa isagoo iminkaba ku jira Saldhiga dhexe maalmaha soo socdana Maxkamad la soo taagi doono, waxaa isna sida Warka nagu soo gaaraya baxsaday Ninkii labaad ee isna dhacdadan qeybta ka’ahaa waxeyna booliska wacad ku mareen ineysan ka hari doonin oo ay soo qaban doonaan.
Aabaha dhalay Gabadha falkan gurracan loo geystay oo lagu magacaabo Bishaar Cabdi ayaa mar uu warfidiyeenada kula hadlayay Mombasa ayaa sheegay in gabadha la kufsaday xalay maqribkii, ayna ka heleen meydkeeda meel ku dhow Hotel ay degenaayeen.
“‘Gabadhu waxey aheyd Afar jir, xilli Maqrib ah ayey arrintan dhacday, waxaa meydka gabadha laga helay agagaarka Hotelka”ayuu yiri Bishaar Cabdi.
Mar wax laga weydiiyay iney jiraan Dad loo soo qab qabtay arinkan ayuu ku gaabsaday in Booliska ay wadaan baaritano xoog leh, isla markaana uu ka war sugayo wixii ka soo baxa baaritaanada socda
Si kastaba ha’ahaatee Soomaalida ku dhaqan Mombasa ayaa aad u hadal haya dhacdadan foosha xun iyagoona walaac xoog leh ka muujinaya falalka noocaan oo kale ah oo marar badan ku soo noq noqday Mombasa, waxeyna laba labo saddex saddex isu weydiinayaan waxa koos gareyn kara arimaha noocaan oo kale ah iyo sida looga gaashaaman karo.
Mombasa / Kenya














comment closed