Qaramada Midoobay oo hay’adaha caalamiga ah ugu baaqday inay xafiisyadooda u raraan Soomaaliya
Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya Augustine Mahiga oo ka hadlayey curashada sanadka 2013-ka ayaa sheegay in Soomaaliya ay guulo waa-weyn oo la taaban karo gaartay sanadkii hore ee 2012-ka, wuxuuna xusay in xafiiskiisa uu si dhameystiran uu ugu soo guuri-doono magaalada Muqdisho.
Danjire Mahiga wuxuu caalamka ka dalbaday in Soomaaliya ay caawiyaan, isagoo xusay in Soomaaliya ay xilligan cagta saartay wadadii horumarka, xisilloodnida iyo nabadda, wuxuuna sheegay in guulahaas lagu gaaray iyadoo si wadajir ah loo fuliyey howlihii looga baxayey xilligii KMG ahaa, wuxuuna yiri isagoo arrimahaasi ka hadlaya “Guulaha la gaaray waxaa ka mid ahaa in bishii Ogoosto ee sanadkii la soo dhaafay lagu tallaabsaday arrin taariikhi ah, taas oo aheyd in la dhaariyey Baarlamaankii ugu horeeyay oo rasmi ah oo Soomaaliya ay yeelato muddo 20-sano ah ka dib, guusha labaad ayaa aheyd in Muqdisho gudaheeda ay Xildhibaanadu ku doortaan Guddoomiye Baarlamaan iyo Madaxweyne dalka hogaamiya”.
Sidoo kale danjire Mahiga wuxuu sheegay in dagaalka lagula jiro Xarakada Al-shabaab laga soo hooyey guulo la taaban karo, isagoo xusay in dhul badan laga saaray Al-shabaab sanadkii hore, kuwaas oo uu sheegay in hay’adaha samafalka loo diiday inay ka howlgalaan, balse ay maanta fursad u heystaan hay’aduhu inay tagaan oo ay dadka ku caawiyaan sdhulkii horay loogu diiday.
“Dowladaha gobolka waxaan uga mahadcelinayaa sida naf-hurnimada ah ee ay ugu saacideen ciidamadooda inay tagaan Soomaaliya si ay qeyb uga qaatana howsha lagu nabadeynayo dalka Soomaaliya” ayuu yiri Mahiga oo ugu dambeyntii sheegay in nabadda Soomaaliya ay aad u wanaagsan tahay, wuxuuna ugu baaqay hay’adaha caalamiga ah in xafiisyadooda ay gudaha dalka u wareejiyaan, isagoo xusay in isagu uu todobaadyada soo socda si rasmi ah uu ugu guuri doono magaalada Muqdisho oo uu sheegay inuu xafiis gaaban ka furtay.













comment closed