Kooxaha Group A oo Maanta Rajo Weyn Kawada Leh Wareega 8-da Koobka Qaramada Africa
Kooxaha Group A ayaa gaaray meeshii ugu sareysay ee lagu kala bixi lahaa, iyadoo xulka martigelinaya koobkaan ee South Afrika ay ka warqabaan in guul ama ugu yaraan barbaro ay ka gaaraan Morocco inay u xaqiijin doonto wareega 8-da.
Morocco ayaa iyadna u baahan inay guul hesho si ay ugu soo baxdo wareega 8-da ee koobka qaramada Afrika.
Guushii ay Bafana Bafana ka gaartay Angola ayayna hogaanka ugu qabatay Group A.
Laakiin waxaa ka maqan weeraryahanka Lehlohonolo Majoro oo dhaawac ah, iyadoo weeraryahanka kaleTokelo Rantie uu shaki ku jiro ka dib dhaawac soo gaaray.
Morocco ayaa iyagana waxaa ka maqnaan doona kubadsameeye Younes Belhanda, kaasoo ganaax ku maqan ka dib labo jaale oo uu qaatay.
Xulka Morocco ayaa ku dhibtooday inay sidii la rabay uga dhex muuqdaan koobka qaramada Afrika ka dib markii ay barbaro galeen labadii kulan ee ay soo ciyaareen.
Iyadoo dhamaan afarta kooxood ee Group A ay weli fursad u heystaan inay u soo baxaan wareega 8-da ee koobka qaramada Afrika Angola iyo Cape Verde ayaa labdooda iyagana raadinaya caawa guul ciyaar la filayo inay noqoto mid xamaasad leh.
Cape Verde ayaa si lama filaan uga soo dhex muuqatay group-kaan iyagoo barbaro ku qabtay xulalka South Afrika iyo Morocco, halka Angola iyada ay leedahay kaliya hal dhibic madaama guuldarro ay kala kulmeen South Afrika.













comment closed