Fanaanada Caanka ah Janet Jackson iyo Wissam Al Mana oo is Guursaday
Fanaanada heesaaga ah ee u dhalatay dalka Maraykanka, isla markaana ka tirsan shirkadda aflaamta ee Hollywood Mss. Janet Jackson, ayaa guursatay bilyaneer da’yar oo u dhashay waddanka Carbeed ee Qadar oo magacaabo Wissam Al Mana.
Wargeyska US ayaa sheegay in Al Mana oo 37 jir ah uu si dhab ah u mehersaday fanaanadan oo walaalo yihiin fannaankii caanka ahaa ee Michael Jackson, da’deeduna tahay 46 jirka ah, waxana sida la sheegay uu maalqabeenkaasi gacanta u geliyey marwadiisa Maraykanka ah faraanti ama fargal qiimahiisu aad u sareeyo.
Xaflada arooska lammaanahan ayaa la filayaa inay dalka Qadar ka dhacdo dayrta soo socta, iyadoo la sheegay in munaasabada dabbaaldegga arooskooda ay ku bixi doonaan lacag lagu qiyaasay malaayiin dollar, sida lagu daabacay wargeyska New York Post.
Waxa kaloo ilo-wareedyada guurkani xaqiijiyeen inuu Mr. Al Mana diyaarad khaas ah u kiriiyey xaaskiisa Jackson, qoyskooda iyo asxaabteeda oo dhan.
Fanaanadan ayaa laba jeer oo hore guursatay, waxana ka mid ah ragga ay kala tageen fannaanka ee ciyaaraha qoob-ka-ciyaarka Maraykanka caanka ka ah ee loo yaqaan Hip Hop-ka Mr. Jermaine Dupri, kaasoo ay is-fureen sannadkii 2009.













comment closed