Dowlada Sudan oo u Dabaal dagaysa Sanadguuradii 57 Maalintii ay Xoriyada ka qaateen Ingiriiska
57 sano ayaa kasoowareegatay markii ay dowlada sudan xurnimada ka qaadatay gumeystihii ingiriiska.
Sudan ayaa waxay sheegtay Sanadkii markuu ahaa 1956-kii bishii janaay kowdeeda in ay tahay dowlad madaxbadnaan markaasoo wada jireen koofur iyo waqooyi inkastoo ay waqtigaan hada ay noqtay koonfurta sudan dowlad kago ‘day waqooyiga sudan oo hada ah dowlad goonigeeda utaagan.
Maanta oo ah maalin talaado ah ayaa dhamaan shacabka aynu walaalaha nahay ee reer suudaan u dabaaldegayaan sanadguuradooda 57-baad ee kasoowareegatay markii ay calankooda si xuriyad leh wadankooda ugu taagay.
Maalmahan waxaa siweyn ugu socday magaalo madaxda wadanka sudan ee khartum iyo dhamaan gobolada kala duwan waqooyiga suudaan abaabul loogu badbaaldegayo sanadguuradan oo ah mid aad ugu weyn shacabka suudaan.
Waxaa xalay indhaha isa saarin dadbadan oo kunool magaalooyinka waaweyn ee wadankaan sudan waxaana xalay markii ay aheyd sacadu 12:00 am habeenimo ay bilaabeen in ay isku hambalyeeyaan.
Waxaa fasax ah dhamaan shaqaalaha dowlada iyo goobaha waxbarsho ee wadan, dadkana waxay uwada dabaal degayaan sanadguuradaan qiimaha weyn.
Waxaana maanta si aad ah loo adkeeyay amaanka maadaama ay tahay maalin ku weyn shacabka suudaan, waxaana lafilayaa inuu Khudbad dheer ujeedin doono Madaxweynaha dowlada sudan mushier cumar xasan albashiir shacabka suudaan.
Saacadaha soo aadan ayaa waxaa si toos ah ubilaaban doonta jawi wanaagsan iyo farxad dheeraad ah.
Maanta oo kale 01:01.1956-kii ayey aheyd maalintii ay ka xuroobeen gumeysigii Ingiriska shacabka sudan oo gumeystay wadamo badan oo qaarada Afrika ka tirsan.
Aadam Abdi Ishak (Gentleman)














comment closed