Dhacdo Tii ugu Naxdinta Badnay gabadh dishay Aabaheed si ay u qariso fal foolxun
Gabar lagu Magacaabo Fatima oo 18-Sano jir ah una dhalatay Dalka Masar ayaa ku kacday Fal aad looga naxay kadib markii ay ka shaqeesay qaabkii aabaheed loo dili lahaa sidaana uu ku dhacay Dilka Aabaheed
Gabdhan oo ardayad aheed ayaa iyada iyo Wiil Saaxiibkeed ahaa waxa ay ku heshiiyeen dilaka waalidkeed si ay u qariyaan fadeexad ku soo fool lahayd balse gashay mid ka daran fadeexadii ay ka carareesay iyadoona Sabab u noqotay Dilka Aabaheed.
Waxaay ay ku dhiiratay gabadhan oo dhigata dugsiga dhexe gaar ahaan fasalka sagaalaad dilka waalidkeed iyada oo la kaashanaysa Jacaylkeeda saaxiib xumaha ah.
Dhacdaan ayaana u dhacday si layaab leh , Gabdhan iyo Wiilka ayaana Gabadha Aabaheed waxaa ay ku xireen Qol ka mida Guriga si uusan ugu soo toosin inta ay xumaanta Sameynayaan, markii uu odaygii soo baraarugana kana war helay xumaanta socota , wiilka oo ah asna arday dhigta dugsiga sare ee Danda magaalada Shiibraa Alnamlah waxaa uu odayga madax kala dhacay dhoor Yaad oo bir ah taasi oo keentay in uu geeriyooday.
Gabadha oo lagu magacaabo Fadimah ayaa iyada iyo Saaxiibkeed waxaa ay dhiseen sheeko faalso ah waxa ayna booliska war galiyeen in odayga uu tuug usoo dhacay sidaasina uu ku dilay markii uu isku dayay in uu ka reebo alaab uu xadi rabay.
Hase ahaatee booliska oo ka shakiyay arinta ayaa su`aalo weydiiyay Gabadha taasi oo ugu danbayn qalqashay kuna dhawaaqday runta iyada oo sheegtayna meesha uu ku dhuumanayo gacana ku dhiiglaha saaxiibkeed ah ee ay aabahii dhalay seejiyay .
Faadumo ah 18 ayaa hada ku sugan qalqal iyo murugo xumaantii ay qarin rabtayna banaanka usoo baxday waalidkeediin iska dishay , waxa ayna ku jirtaa qoomamo falkii foosha xumaa
Xafiiska Wararka Radiowidhwidh.com Ee Magaalada Widhwidh














comment closed