Dalka Ivory Coast Mar Qura Isku Bedelay Murugo iyo Baroordiiq Dabaal Dega Sanadka Cusub ee Gaalada (Daawo Video)
Ku dhawaad Todobaatan qof ayaa ku dhintay, boqolaal kalana way ku dhaawacmeen, kadib markii kumaan kun qof oo isugu soo baxay bartamaha caasimadda ganacsiga ee dalka Ivory Coast ay mar qura is jiir ka dhex dhacay.
Ururka Dhakhaatiirta Dalka Ivory Coast ayaa shaaca ka qaaday in dhimashadu gaartay ilaa todobaatan, halka dhaawacuna marayo ilaa lixdan qof, kuwaas oo ah dad dhamaantood shacab ah oo u badan carruur iyo haween.
Mas’uul u hadlay dalkaas oo waraysi siiyay wakaalada wararka ee Faransiiska ayaa sheegay in dad boqol kun kor u dhaafayaa ay isugu soo baxeen, fagaare wayn halkaas oo ay ku sugayeen inay arkaan, rashka iyo buluu layryada la ridayo, laakiin shay kale ka dhex dhacay kaas oo sida dabka oo kale u ifayay ka dibna dadku cabsi darted is jiireen.
Xaalada ayaa markaliya isu rogtay argagax iyo anfariir waxaanay damaashaadkii sanadka cusub ee gaalada la sugayay uu isu badalay baroor diiq iyo murugo sida mas’uulkaasi u sheegay wakaalada wararka Faransiiska ee AFP.
Inta badan wadamada Africa waxa ka dhaca dabaal degyada sanadka cusub ee gaalada loogu diyaar garoobayo, masiibooyin dabiici ah oo hoosta ka maleegaan kooxaha tuugada ah kuwaas oo ka faa’idaysta marka uu is jiirka dhaco.













comment closed