)DAAWO.(Sawiro)Dabaaldega sanadka cusub ee 2013ka oo ka bilowday caalamka(
Kumanaan walxood oo iftiimaya ayaa lagu ridey hawada magaalada Sydney ee dalka Australia iyadoo lagu soo dhoweynayo sanadka cusub ee 2013ka.
Soo dhoweyntan oo ka bilaabatay qeybo ka mid ah qaarada Aasiya iyadoo dalka Myanmar ay markoodii ugu horeysay sanadkan iyadoo dimuqraadiyad ka jirto ay soo dhoweynayo sanadka cusub sidoo kale magaalooyin badan oo ka mid qaarada Asiya ayaa soo dhoweynta sanadka cusub laga dareemayaa.
Magaalooyin badan oo ku yaal qaarada Yurub ayaa soo dhoweynaya sanadka cusub iyadoo ay jirto dhibaato dhinaca dhaqaalaha oo la soo gudboonaaday dalal ku yaal Yurub.
Hase yeeshee magaalada Nicosia ee caasimada wadanka Qubrus ayaa laga mamnuucay in dabaaldegyo lagu soo dhoweeyo sanadka cusub waxaana dowlada hoose ee magaaladaas ay sheegtay in lacag dhan 16,000 euros ($21,000) oo qarash loogu talogalay soo dhoweynta sanadka cusub loo weeciyay in la siiyo arday gaareysa 320 oo u baahan lacagtaas.
Magaalada Sydney ayaa walxo iftiimaya oo cirka loo gamay ay ku baxday lacag dhan 6.6 million oo ah dolarka Australia una dhigant ($6.9 million), halka Hong Kong lacag gaareysa ($1.6 million) loo qorsheeyay soo dhoweynta sanadka cusub iyadoo la filayo in boqol kun o ruux ay daawadaan soo dhoweynta sanadka cusub.





















comment closed