Afhayeenka G/Banaadir oo beeniyay inuu ka tirsanaa shaqaalaha dowladda Hoose nin loo soo dhiibay miino
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa beeniyay inuu shaqaalaha dowladda hoose uu ka tirsanaa ruux loo soo dhiibay miino la damacsanaa in lagu qaarijiyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho.
Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in ninkan loo adeegsan rabay inuu falkaas fuliyo uu ka mid ahaa darwalada Agaasimaha dowladda Hoose, isla markaana aanu aheyn shaqaale ka tirsanaa dowladda hoose.
“Markii aan baaris dheer sameynay kadib waxaa cadaatay in Tahliil C/llaahi Nuure uusan ka tirsaneyn shaqaalaha dowladda Hoose ee Muqdisho iyo Gobolka banaadir midna”ayaa yiri Maxamed Yuusuf.
Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in ninkaas loo soo dhiibay miinada si uu Al-Shabaab ugu fududeeyo qorshaha ay doonayeen inay ku dilaan Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.
Maalin ka hor ayay aheyd markii Taliska Nabadsugida gobolka Banaadir ay sheegeen inay fashiliyeen isku day la doonayay in lagu dilo gudoomiyaha Gobolka Banaadir, iyagoo soo bandhigay ninka loo adeegsan rabay falkaas inuu fuliyo.













comment closed