Warar Dheeraad ah oo ka Soo Baxaya Qasaaro ka dhashay Weerar lagu qaaday Wasiiro marayay degmooyinka Marka iyo Shalaanbood
Wafdigan ayaa waxaa hogaaminayay Wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka dowladda Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed, waxaana shalay Markale jidka u galay Ciidamo ka tirsan shabaab.
Iska hor imaad kooban ayaa ka dhacay shalay markale lagu weeraray inta u dhaxeysa degmooyinka Marka iyo Shalaanbood ee gobolka Shabeelada Hoose, waxaana jira Qasaare soo gaartay ciidamada Dowlada, kadib markii gaari ay wateen ay la Qaraxday Miinada meelaha fog laga hago.
Guddoomiyaha gobolka Shabeelada hoose C/qaadir Maxamed Siidii oo weerarka ka hadlay ayaa sheegay in weerarka uu ka dhacay inta u dhexaysa deegaanka Shalaanbood iyo degmada Marka, wuxuuna xaqiijiyey Guddoomiyuhu in loo sheegay in afar askari oo ilaalo u aheyd taliyaha ciidamada booliiska Soomaaliya ay si xun ugu dhaawacmeen qarax lala eegtay gaari ay wateen, kuwaas oo uu sheegay inuusan kala ogeyn inay dhinteeen iyo in kale.
Sidoo kale dagaal nuucaan oo kale ah ayaa daraad waxaa lagu qaaday Wafdigaan intii aysan gaarin Gudaha magaalada marka, waxaana arintan ay u muuqataa in Ciidamada shabaab ee looga awood Roonaaday sanad iyo bar ka hor Muqdisho ay ka qaadi karaan Gobolkaas dagaal gurile ah.














comment closed