Warar dheeraad ah oo Ka Soo Baxaya Qarax ka Dhacay Suuq Bakaaraha
Radiowidhwidh waxay daba gal kusameysay qaraxyo xoogan oo maanta ka dhcay gudaha Suuqa Bakaaraha halakasi oo ciidamo katirsan Dawlada Somalia lagu weeraray hayeeshee waxyeelo kasoo gaartay Dad shacab ah.
Qaraxyada oo ilaa hadda aan la ogeyn waxay ahaayeen ayaa wiil goob joog ahaa waxa uu WidhWidh Online usheegay in laba bambaano ay ahaayeen uuna arkayey markii ay dhacayeen waxaase uu ka gaabsaday faah faahin inuu ka bixiyo wixii uu arkay amaankiisa isagoo ubaqayey.
Qaraxyadaan oo ka dhacay Suuqa Dahablaha Bakaaraha ayaa inta la xaqiijiyey waxa ku geeriyooday hal qof oo haweyney ahayd halka 12 qofood oo rayid ahaa iyana ay ku dhaawacmeen iyadoo aan la ogeyn khasaaraha gaaray ciidamada dawlada somalia.
Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya Suuqa Bakaaraha ayaa sheegaya in xaaladu iminka ay deggan tahay waxaana meesha qaraxyadu ka dhaceen meydka iyo dhaawacyadana laga qaaday.
Ma ahan markii ugu horeysay oo qaraxyo ay ka dhacaan gudaha Suuqa Bakaaraha lana beegsado ciidamada dawlada Somalia waxaana dhowr jeer sidaan oo kale uu qaraxyo dad badan ku waxyeeloobaan uga dhaceen magaalada muqdisho gaar ahaan Suuqa Bakaaraha.













comment closed