Wafti ka socda maamulka Khaatumo oo taleex ka degey iyo Diyaaradii u horeysey oo halkaasi caga dhigatay (Faahfaahin)
Magaalao Taariikheeda Taleex ee gobolka Sool xiligana xarun KMG ah u ah maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Khaatumo ayaa maanta waxaa gaarey wafti balaaran oo ka socda maamulka Khaatumo kuwaasoo mudooyinkii danbe kusugnaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya halkaasoo ay kaga qayb qaateen dhismihii Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya.
Waftigan oo ay sidey Diyaarad Khaas ah ayaa laga soo dejiyey Garoonka Diyaaradaha caalamiga ah ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan oo ku yaala duleedka magaalada Taleex ee gobolka Sool ahna caasimada KMG ah ee maamulka Khaatumo.
Soo dhoweyn heer qaran ah ayaa waxaa waftiga u sameeyey Madaxda maamulka Khaatumo iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Taleex ee gobolka Sool, dadkii soo dhoweynta ka qayb qaatay waxaa kamid ahaa M/weynaha maamulka Khaatumo ee xiligan Md Maxamed Yuusuf Jaamac ‘Indhasheel’ Madaxweynaha kale ee Axmed Cilmi Cismaan ‘Axmed Karaash’ Wasiiro, maamulka degmada Taleex, Saraakiil ciidan iyo qaybo kale oo aad u tirabadan.
Dadka Soo dhoweynta ka qayb qaadanayey ayaa subaxnimadii hore ee saaka u dareeray garoonka Diyaaradaha ee degmada Taleex iyagoo mudo ka badan 5 sacaadood tubnaa ugu danbayna abaaro 2:00PM ee duhurnimo ay diyaaradii waftiga sidey si nabad ah uga degtey Garoonka diyaaradaha ee magaalada Taleex ee gobolka Sool. Khaatumo ee isgu jira Wasiiradda iyo golaha Madaxtooyada ayaa la filayaa in ay nasasho yar kadib la hadlaan warbaahinta kana warbixiyaan safar dheer oo ay dalka iyo dibadaba kusoo mareen.













comment closed