Tiska AMISOM oo ugu Baaqday Dhalinyarada Al-Shabaab in ay Joojiyaan Dagaalka ayna isasoo Dhiibaan
Afhayeenka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa ugu baaqay dhalinyarada ku jira Ururka Al-Shabaab inay joojiyaan dagaalka ay kula jiraan ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Afhayeen Cali Aadan ayaa wuxuu sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed ee ka tirsan Al-Shabaab looga baahan yahay inay dantooda gartaan.
Sidoo kale Afhayeenka AMISOM ayaa sheegay in hadii dhalinyarada ku jira Shabaab ay dhigaan hubka AMISOM ay soo dhaweynayso islamarkaana marwaliba dowladda ay soo dhaweynayso.
Baaqaan ayaa wuxuu ka danbeeyay ka dib markii Al-Shabaab la bur buriyay awoodoodii qaar ka mid ah gobalada Soomaaliya oo ay ku xooganaayeen waxaana ugu danbaysay oo laga saaray magaalada Jowhar.
Dagaalka u dhaxeeya Al-Shabaab iyo dowladda iyo AMISOM ayaa cagaha la galay gobalada dalka Soomaaliya oo iminka ay kusoo hardamayaan gobalada Shabeelooyinka.
Al-Shabaab ayaa horay waxay u maamuli jireen inta badan gobalada koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, haseyeeshee shacabka Soomaaliyeed ayaa nacay falalka naxariisdarada ah oo ay ku kacaan kooxdaan.













comment closed