Taliska Ciidamada AMISOM ayaa ka hadlay la wareegitaanka xarunta gobolka shabeellaha dhexe ee Jowhar, oo 90-KM
Afhayeenka Ciidamada AMISOM Col. Cali Aadan Xumad ayaa sheegay in si buuxda ay ciidamadooda iyo kuwa dowladda gacanta uga hayaan Jowhar, isagoo tilmaamay inay ku guda jiraan sidii ay ammaanka u sugi lahaayeen.
“Ciidamada AMISOM iyo dowladda saaka ayaa la wareegnay magaalada Jowhar, hada waxaa ku guda jirnaa howlo aan ammaanka ku sugeyno”ayuu yiri Afhayeenka AMISOM.
Sidoo kale Taliyaha guud ee Ciidamada AMISOM Andrew Gutti ayaa cadeeyay in la wareegitaanka magaalada Jowhar ay hamiyad weyn u tahay, isla markaana ay u suura gelineyso inay sugaan ammanka dadka ku nool Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.
Taliyaha guud ee Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, Jen. Andrew Gutti ayaa qabshada degmada Jowhar ku tilmaamay arrin weyn, isagoo sheegay inay la wareegeen saldhig weyn oo ay Al-shabaab ku lahayd bartamaha Soomaaliya.
“La wareegitaanka Jowhar, waxay nagu hogaamineysaa inaan sugno ammaanka dadka ku nool Hiiraan iyo Shabeelooyinka”ayuu yiri Jen. Andrew Gutti oo ugu baaqay dadka deegaanka inay is dajiyaan.
Ciidamada dowladda iyo AMISOM ayaa fariisimo ka sameysteen duleedka iyo gudaha magaalada, waxaana ay saldhigteen xarumihii Al-Shabaab kaga sugnaayeen sida Saldhiga, xarunta gobolka iyo koontaroolada laga soo galo.
Xaalada magaalada Jowhar iyo Mahadaay oo 26-KM u jirta ayaa ah mid degan, iyadoo la maqlay markii ciidamada ay soo galeen qaraxyo waa weyn, kaasoo aan si dhab ah loo ogeyn qasaaraha ay geysteen.
Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa saakay gudaha u galay degmadaas oo ay isaga baxeen xoogaggii Al-shabaab, waxaase qaraxyo waaweyn ay ka dhaceen saldhigga booliiska iyo buundada degmada iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.














comment closed