taliska Booliska oo sheegay inuu helay raadadka goobihii xalay madaafiicda laga soo tuuray
Taliska Booliska gobolka Banaadir ayaa sheegay in baadigoob ku hayaan kooxihii xalay madaafiicda ku soo tuuray qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, isla markaana uu helay raadadka meelihii madaafiicda looga soo tuuray.
Jen. Axmed xasan Maalin taliyaha booliska gobolka Banaadir ayaa sheegay in Xaafada Gubta oo ka tirsan degmada Dayniile ay aheyd meelihii madaafiicda laga soo gamay.
“Halkan aan joogno oo ah Gubta ayaa madaafiicdii xalay laga soo tuuray, waana baadigoobeynaa, waxay ahaayeen kooxo aan banaanka imaan karin oo dhuumanaya, kuwaas nabad diidka ah, gacanta ayaan ku soo dhigi doonaa”ayuu yiri Jen. Axmed Xasan Maalin.
Sidoo kale waxaa uu sheegay inay heleen qolofkii madaafiicda xalay la tuuray, waxaana uu carabka ku adkeeyay inay ammaanka xoojin doonaan sida uu yiri.
Dhinaca kale gudoomiyaasha degmooyinka Wardhiigley iyo Boondheere oo ahaa goobihii ay madaafiicda ku dhaceen ayaa sheegay in ilaa shan ruux ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo guryahooda madaafiicda ugu tageen, sidoo kale ay jiraan meelo kale oo madaafiicda ku dhaceen oo aan wax qasaare ah geysan.
Madaafiicdii xalay lagu garaacay Wardhiigley iyo Boondheere ayaa bartilmaameedkooda ahaa xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, iyadoo weerarkaas ku soo aaday, xilli Madaxweynaha dalka ka maqan yahay.













comment closed