QM oo Qaylo dhaan ka jeedisay Gantaalka Ridada dheeraa ee ay dowladda Waqooyiga Kuuriya ay tijaabisay
Madaxweynaha golaha ee waqtigan Mohammed Loulichk oo ah Ambasadorka Maroco u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa tilmaamay in talaabada ay Kuuriyada Waqooyi ku tijaabisay gantaal uu yahay mid burinaya xeerarka u yaalla golaha Amaanka.
Maraykanka ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumadda Pyongyang ay sii wadi doonto tijaabinta gantaalo kale oo rida dheer taasi oo carqaladeyn karta Ammaanka gobolka gobolka, waxaana ay ku baaqeen in talaabo laga qaado.
Diblomaasiyiinta reer galbeedka ee fadhiya Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale siwada jir ah u can baareeyay tijaabinta gantaalkaasi rida dheer leh waxaana ay ku tilmaamay dhibaanteyn Gobol.














comment closed