• HOME
  • WARARKA SOMALIA
  • ENGLISH NEWS
  • MAQAALLO
  • SUUGAAN
  • WARAYSI
  • CAYAARAHA
  • CANTACT
  • GABAY
  • ISLAAM
  • MAAHMAAH
  • RADIO
  • TACSI
  • TAHNIYADA
  • Dhacdooyinka Caalamka
  • Video
  • News Paper
  • Islamic Link
  • 3:39 pm » Daawo Muqaalka : Horumarka Waxbarasho Ee Kasocda Degmada Widhwidh
  • 3:15 pm » Xog Culus Xaglo Toosiye Oo Hargaysa Hayn Wayday Kuna Soo Wajahan Garoowe
  • 2:59 pm » War Deg Deg Ah: Xisbiyadii Faroole oo Dhex Mushaxaya Buuhoodle iyo Maamulka khaatumo oo Gacanta Buuhoodle Ka Siibaxaysa
  • 1:49 pm » Diyaarad Agab Militari Sida oo Caga dhigatay Garoonka Magaalada Kismaayo
  • 1:08 pm » Generaal C/laahi Sheekh Ismaaciil {Fartaag} oo Markale Weeraray Dowladda Somaliya
  • 1:08 pm » Dawlad Goboleedka Khaatumo State oo Maanta Is Rasmi Ah Furay Imtixaanadii Dugsiyada Sare iyo Kan Dhexe
  • 12:31 pm » Faroole oo Ka Qayliyay Kala Dirista Maamulka Jubbland(Halkan Ka Dhagayso)
  • 12:06 pm » Sixth night of violence in Sweden, but police say capital calmer
  • 11:59 am » Maamulka Jubbaland Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaayay War Murtiyeedkii IGAD Kaso Baxay(Halkan Ka Dhagayso)
  • 11:39 am » In prison, Somalia’s pirates become a source of government wrangling

Mr Xasan oo Markale ka Hadlay Maamul u Sameynta Gobolada Jubbooyinka iyo Arrimo Kale(Wareysi Qoraal ah)

Published on Dec 13 2012 // WARAR, Wararka Somalia
Share

Madaxweynaha  Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyay BBC ayaa waxa uu ka hadlay arrimo dhowr ah sida ammaanka, xiriirka Kenya, al-Shabaab, Somaliland iyo qoddobo kale.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha in aanu jirin wax khilaaf ah oo u dhexeeya dowladdiisa iyo Kenya ayna ka mid yihiin dalalka u soo diray ciidamada Soomaaliya waxaana uu intaa raaciyay in mashquul shaqo awgii ay dib uga dhaceen safar uu ku tagi lahaa Kenya, balse uu dhawaan dalkaasi booqan doono.

“Anaga iyo Kenya xurguf nooma dhaxeyso, colaad iyo khilaf nagama dhaxeyso, kenya ciidamada dowladaha ku tabarucay ayay ka mid tahay aay u soo direen soomaaliya, si ay nabad iyo xasilooni ugu soo noqoto”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha ayaa meesha ka saaray in wax cilaaqaad xumo ah inuu kala dhaxeeyo, hase ahaatee waxaa uu cadeeyay in sababaha ay dib uga dhaceen safarkooda ay tahay arrimo mashquul iyo shir ay dhankooda iyo dhanka kaleba ay lahaayeen, taasna ay sabab u aheyd dib u dhaca safarkooda.

“Cilaaqaad xumo nagama dhaxeyso, mashquulaad iyo shirar caalami ayaa jiray, mar aan balamo laheyn iyo ama ay balamo lahaayeen, ayaa jirtay, booqashadeena waa taagan tahay waana tagi doonaa todobaadyada soo socda, wax mugdi ah ma jiraan”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Gobolada Jubbooyinka waxay ka mid yihiin gobolad Soomaaliya, Dowladda Soomaaliya ayaana dowlad ka ah, IGAD iyo Kenyana door ayey ku leeyihiin dhismaha maamulada jubbooyinka oo ah iney Dowladda Soomaaliya ku taageeraan sidii dalka maamulo ugu sameyn laheyd, dalkani waa dal xor ah oo madax bannaan awood dowlad aan KMG aheyn ayaa ka jirta, Kenyana waa caddeysay iney Dowladda Soomaaliya ku taageersan tahay sidii dalka maamulo looga sameyn lahaa”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay ineysan jirin kala qeybsanaan siyaasadeed oo u dhaxeysa labada dhinac.

Mar la weydiiyay in wax wadahadal ah ay la galayaan al-Shabaab waxa uu sheegay in al-Shabaab ay isugu jiraan saddex qeybood labo qeybood oo Soomaali ah iyo qeyb ajnabi ah waxana uu sheegay kuwa ajnabiga ah in sinnaba uusan uga dhaxeyn wadahadal oo kaliya ay u furan tahay in ay dalka a isaga baxaan laakiin labada qeybood ee kale waxa uu sheegay cidii hubka iska dhigta ee nabad wax ku dooneysa in ay xaq u leeyihiin in ay bulshada dib ula midoobaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa kale oo uu sheegay in uu ku rajo weyn yahay in ay dib u amba qaadaan wadahadalladii u dhaxeeyay dowladda iyo Maamulka Somaliland shaqsi ahaana uu filayo in natiijo wax ku ool ah ay ka soo bixi doonto.

Dhinaca dhaqaalaha ay dowladdu ku tiirsan tahay waxa uu sheegay in ay ugu weyn tahay dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee Muqdishu iyo sidoo kale suuqyada magaalada taas oo uu sheegay in hadda ay horumarinayaan, waxana uu sheegay in sidoo kale ay jiraan qurbo joog Soomaaliyeed oo lacago toos ugu soo dira bangiga dhexe ee Soomaaliya si ay u caawiyaan dowladda.

LIKE- DHEH SI AAD UGA MID NOQO ASAXAABTA WIDHWIDH ONLINE

|| Soo Booqo Mar Walba WidhWidh Online||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com --

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!
  • Who's Online

    • 4 Members.
    • 902 Guests.
  • Follow Me WidhWidh On

  • BREAKING NEWS

    • Daawo Muqaalka : Horumarka Waxbarasho Ee Kasocda Degmada Widhwidh
    • Xog Culus Xaglo Toosiye Oo Hargaysa Hayn Wayday Kuna Soo Wajahan Garoowe
    • War Deg Deg Ah: Xisbiyadii Faroole oo Dhex Mushaxaya Buuhoodle iyo Maamulka khaatumo oo Gacanta Buuhoodle Ka Siibaxaysa
  • Dhagayso BBC & VOA

    Idaacada 04:00 GMT
    Idaacada 11:00 GMT
    Idaacada 14:00 GMT
    Idaacada 18:00 GM

    Idaacada 04:00 GMT
    Idaacada 07:00 PM
    Idaacada 08:00 PM

>> << WidhWidh TV

  • Horumarka Balaadhan ee Ka Bilowday Magaalada Taleex(Daawo Video)

    Horumarka Balaadhan ee Ka Bilowday Magaalada Taleex(Daawo Video)

  • Yaad u Taqaanaa Nin Ugu  Maalgashiga Badan Dalka Soomaaliya, Gaar Ahaan Magaalada Muqdisho (Sawirro+Muuqaal)

    Yaad u Taqaanaa Nin Ugu Maalgashiga Badan Dalka Soomaaliya, Gaar Ahaan Magaalada Muqdisho (Sawirro+Muuqaal)

  • Diyaaradaha dagaalka Ingiriiska oo Hawada Ka Soo Dajiyay Diyaarad Dalka Pakistaan Laga Leeyahay (Daawo Video)

    Diyaaradaha dagaalka Ingiriiska oo Hawada Ka Soo Dajiyay Diyaarad Dalka Pakistaan Laga Leeyahay (Daawo Video)

  • Qoys Carbeed oo Jilaaga Caanka ah ee Sharukh Khan ku kireystay $20,000 saacaddii(Daawo Video)

    Qoys Carbeed oo Jilaaga Caanka ah ee Sharukh Khan ku kireystay $20,000 saacaddii(Daawo Video)

  • Hada Waxaan ahay 280 KG Waxaan Doonayaa Innaan Noqdo 500 KG(La Yaabka Aduunka)

    Hada Waxaan ahay 280 KG Waxaan Doonayaa Innaan Noqdo 500 KG(La Yaabka Aduunka)

  • Barack Obama Reer Galbeedka Ma Wadaan Dagaal Ka Dhan Ah Islaamka, Muslimiintuna Ma Wadaan(Daawo Video)

    Barack Obama Reer Galbeedka Ma Wadaan Dagaal Ka Dhan Ah Islaamka, Muslimiintuna Ma Wadaan(Daawo Video)

  • Dad Lagu Garaacayo Tareemada Dhexdooda(DAAWO VIDEO QOSOL BADAN)

    Dad Lagu Garaacayo Tareemada Dhexdooda(DAAWO VIDEO QOSOL BADAN)

  • Wiil Soomaali ah oo Noqday Shaqsigii ugu Horeeyay oo Ubaxa Saaray goobtii Lagu Dilay Askariga Ingiriiska ahaa(Bal Daawo Video0

    Wiil Soomaali ah oo Noqday Shaqsigii ugu Horeeyay oo Ubaxa Saaray goobtii Lagu Dilay Askariga Ingiriiska ahaa(Bal Daawo Video0

  • Muuqaal Murugo Leh oo hadii aad Daawato ilmo kaa quban Doonto laga Soo diyaariyey Soomaaliya(Daawo Video)

    Muuqaal Murugo Leh oo hadii aad Daawato ilmo kaa quban Doonto laga Soo diyaariyey Soomaaliya(Daawo Video)

  • Caruurta yar yar ee ku nool Magaallada Muqdisho oo la sheegay in loo geysto kufsi iyo faraxumayn(Daawo Video)

    Caruurta yar yar ee ku nool Magaallada Muqdisho oo la sheegay in loo geysto kufsi iyo faraxumayn(Daawo Video)

  • Dhacdo Naxdin iyo Murug badan leh oo qabsatey hooyo Soomaaliyeed oo ku nool Dalka South Africa(Daawo Video)

    Dhacdo Naxdin iyo Murug badan leh oo qabsatey hooyo Soomaaliyeed oo ku nool Dalka South Africa(Daawo Video)

  • Magalada Muqadisho oo Amiirka Alshabaab Magacyo Top ah ula Baxay

    Magalada Muqadisho oo Amiirka Alshabaab Magacyo Top ah ula Baxay

  • Alla Gabadhaan Xaasidsanaa Bal Daawo Siday Gacaliyaheeda U Galayso(Daawo Video)

    Alla Gabadhaan Xaasidsanaa Bal Daawo Siday Gacaliyaheeda U Galayso(Daawo Video)

  • Maamulka Khaatumo Wada Qorshe Lagu Hormarinayo Maamulkaas(Daawo Video)

    Maamulka Khaatumo Wada Qorshe Lagu Hormarinayo Maamulkaas(Daawo Video)

  • Tuug Gabar Alaab Ka Dafay Oo ilbiriqsi Gudihiis Bas Ku Jiiray(DAAWO VIDEO LA YAAB LEH)

    Tuug Gabar Alaab Ka Dafay Oo ilbiriqsi Gudihiis Bas Ku Jiiray(DAAWO VIDEO LA YAAB LEH)

  • Gabar Muslimad ah oo Soo Saartay Muuqaal Malaayiin Qof Jeclaadeen ‘MASHA’ALLAH”(DAAWO VIDEO)

    Gabar Muslimad ah oo Soo Saartay Muuqaal Malaayiin Qof Jeclaadeen ‘MASHA’ALLAH”(DAAWO VIDEO)

  • Hadii aad Maqli Jirtay Soomaalidu Waa Xoolo Dhaqato(Daawo Video)

    Hadii aad Maqli Jirtay Soomaalidu Waa Xoolo Dhaqato(Daawo Video)

  • Deeq la gaadhsiiyey dadka dhimirka ka xanuunsan ee Buuhoodle (Video)

    Deeq la gaadhsiiyey dadka dhimirka ka xanuunsan ee Buuhoodle (Video)

  • Shacab Soomaali Fadeexeysay Duq maagaala Toronto oo Si Fudud Ku Taajirtay (YAABKA YAABKII)(DAAWO VIDEO)

    Shacab Soomaali Fadeexeysay Duq maagaala Toronto oo Si Fudud Ku Taajirtay (YAABKA YAABKII)(DAAWO VIDEO)

  • Warar Dheeraad ah oo Ka Soo Baxaya Dagaal Gacmaha La Iskula Tagay ee Jabhada SNM Xafladoodii(Daawo Video)

    Warar Dheeraad ah oo Ka Soo Baxaya Dagaal Gacmaha La Iskula Tagay ee Jabhada SNM Xafladoodii(Daawo Video)

Copyright © 2014 WidhWidh Online
Powered by Radiowidhwidh | WidhWidh Online by Vister

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress