Man utd oo sii xafidatay Hogaanka iyo Walcott oo 3 ley ka Xareeyay Xalay Newcastle
Waxaa shalay Galab iyo Xalay ka qabsoomay dhowr ka mida Garoomada kala duwan ee Dalka Ingiriiska Kulmadii lugta 20 ee ugu Horeeyay Horyaalakasi waxaana Kulmadaasi Natiijadoodii ay noqotay sidatan
Sunderland vs Totenham. 1-2 Daqiiqadii 51 Goolka Guusha waxa akaga cararay Sunderland Lenon oo ka mida Baalayaasha dhinaca weerarka ee ay Totenham ku duusho,kooxda Sunderland oo Toodobaadkii Hore Jilaafo u dhigtay Man city ayaa usbuiucaan la garaacay
Aston Vila vs Wigan.0-1 ayaa lagu kala nastay qeybtii Hore,waxaana Kooxda Martida aheyd Gool u dhaliyay Daqiiqadii 3 Ivan Ramis.
qeybtii danbe Markii la isagu soo Laabtay Aston Villa oo Baryahan Tacbaan aheyd waxa loo raaciyay 2 gool oo kale oo ay u dhaliyeen Wigen Boyce iyo aroune Kone Ciyaaryahanka Reer Ivoire Coast Daqiiqadihii 52 iyo 56
Fulham vs Swansea 0-1 ayaa lagu kala nastay qeybtii hore oo ay ku Horeeyeen Kooxda Martida aheyd ee Swansea waxaaana Goolka u dhliyay Graham Daqiiqadii 19
qeybtii danbe markii la siagu soo laabtay 2 kooxood waxa ay sii xoojiyeen weeraradii ay isku hayeen waxaana goolki 2 u dhaliyay Swansea Ciyaaryahankooda Guzman Daqiiqadii 52aad,kooxda Martida loo ahaa ee Fulham ooo baryahahn hoos ud hac ka muuqday aaya la timid gool Daqiiqadii 56 waxaana u dhaliyay Ruiz Ciyaartiina 1-2 loogu awood sheegtay Fulham ayey ku soo idlaaatay
Man utd vs West Bromwich 1-0 Gool Rigoore ah waxa aku Hormariyay Man utd Ciyaaryahan MacAuley,,Goohayaha West Bromwich ayaa qeybtii hore Kubad qatar aheyd ka saaray Young,sidoo kale difaaca Kooxdisia ayaa soo Bixiyay Carrick laad uu dhinac ka dhigay.
Kooxda Man utd oo ka cadcadeyd Kooxda west Bromwich ayaa aaqirkiiw axaa Gool u dhaliyay Weeraryahankooda Van Peirse oo Badal ku soo Galay iyadoo man utd ay markaasi sidaasi 2-0 ugu dubatay West Bromwich siina Xafidatay Hoganaka Horyaalka oo ay ku horkacaayaan Naadiyada kale 49 dhibcood
Kooxda Norwich vs Man city ayaa wada ciyaaray Ciyaarataan oo aheyd mid adag waxaa qeybtii hore lagu kala nastay 1-2 ay ku horeeyaan Man city oo uu labada Gool u dhliyay Weeraryahanka reer Bosnia Dzeko Daqiiqadihii 2 iyo 5 ee Bilowga Ciyaarta.
Kooxda Martida loo ahaa ayaa la timid Gool qeybtii Hore Daqiiqadii 14 waxaana u dhaliyay Anthony.
qeybtii danbe Daqiiqadii 50 waxaa Goolkii 3 u dhliyay Kooxda Difaacaneysa Horyaalka Ingiriiska weerarayahan kooda Reer Arjantiin Aguero
Daqiiqadii 63 waxa ay heleen Norwich Gool uu qalinka ku duugay Martin,wax yar ka dib Norwich wax aay iska dhaliyeen Gool ka dhigay Ciyaarta 4-2 ay ku horeeyaan Man city hase ahaatee isla Ciyaarayahn Martin ayaa goolkii 3 u dhaliyay Norwich Daqiiqadii 75 waxaana Man city oo Marti aheyd ku badisay 4-3 Ciriiri ah
Reading vs West Ham Ciyaartaan ay ciyaarayeen 2 naadi ee ka yimid xili ciyaaredkaan Heerka 2 waxaa qeybtii hore lagu kala nastay 1-0 ay ku horeeyaan Reading Goolkaasi oo uu u dhliyay Daqiiqadii 5 Ciyaarayahan Pavel
qeybtii labaad Markii la isagu soo noqday Kooxda reading waxa ay difaacatay Goolka ay ku horeysay waxaana Ciyaartii ay ku dhmaatay 1-0 ay uga badiyeen West Ham
Kooxaha Stoke vs Sputhambton oo iayaguana Ciyaaray Ciyaara dag qeybtii hore Kooxda Stoke waa la boobsiiyay waxaana lagu hogaamiyay 1-3 taasoo u cuntami weyday Tageerayaashooda,
Kooxda stoke isma dhiibin waxaana ay keeneen goolkii 2 iyo kii 3 qeybtii danbe ee ciyaarta waxaana u kala dhaliyay Lipsom iyo Jarome Daqiiqadihii 67 iyo 87
ciyaar si weyn loo wada sugayay ayaa dhexmartay Xalay fiidkii Kooxaha Arsenal vs Newcastke ee ka wada dhisan London waxaana kulankaan oo ahaa mid adag Goolka u daahfuray Arsenal Daqiiqadii 20 weeraryahankooda Walcott,hased ahatee Kooxda Newcastle oo Goolkaasi uu damqay waxa ay heleen barbarihii daqiiqadii 43 waxaana u jawaabay arsenal Weerayahanka Ree Senegaal Ba
qeybtii hore 1-1 ayaa la siku macsalaameeyay balse Bilowgiiq eybtii 2 ee ciyaarta Goolkii 2 waxaa qalinka ugu duugay Arsenal Ciyaaryahankooda Chamberlain Daqiiqadii 51.
Kooxda Martida aheyd ee Newcastle oo Maalmahan ugu Dambeeyay la daaladhaceysay Guul daro aaya isku deyday in Goolkaasi ay iska soo gudo waxaana ay heleen Goolkii Barbaraha Daqiiqadii 59 oo uu u dhaliyay Ciyaaryahan Sylvain.
Arsenal waxa u suurta gashay inay helaan Goolkii 3 oo uu dhaliyay Podolisk Daqiiqadii 64aad.
Ciyaaryaahn Ba oo Gool Raadis ahaa ayaa kaga naxsaday Goolkii Barbaraha ee 3 Kooxda Arsenal Daqiiqadii 69 waxii Markaasi ka dambeeyay Kooxda Wengar waxa ay bilaaben inay Xoojiyaan weerarkooda taasoo ay ugu suurta gashay inay helaan 4 gool oo daran doori ah Daqiiqadihii 73,85 iyo 87 iyo 90 waxaana dhexdhigay shabaqa Newcastle gool Walcott iyo 2 gool oo uu Raaciyay Giroud waxaana Ciyaartii ay ku dhamaatay Arsenal oo Boor ku kicisay Newcastle ugana badisay 7-3 iyadoo Walcott Kulanki xalay uu 3 ley ka Xreeyay Newcastle
Maanta waxaa qorsheysan 2 kulan oo u dhaxeeya kooxaha ka soo akla jeeda London vs Liverbool kuwaso isku bariidin doona habkaan
Everton vs Chelsea
QPR vs Liverbool.
Taageerayaasha Kooxda ugu Hooseysan Horyaalka Ingiriiska 2012-2013 ee QPR ayaa is weydiinaya Maanta ma ka darsan doonaa liverbool Guusheenii 2 ee Horyaalka,halka Kooxaha Everton vs Chelsea uu ka dhaxeeyo Kulan adag oo si weyn la siagu Xifaaltami doono.
N.b Kooxda Totenham ayaa KMG u heysa Kaalinta 3 ee Horyaalka Ingiriiska 2012-2013 waxaana ay 1 dhibic ka sareysaa Kooxda Chelsea aoo aan la sii saadaalin karin Kulanooda adag ee Maanta oo ay la ciyaarayaan Everton,Totenham waxa ay leedahay 36 dhibcood halka Chelsea ay ka leedahay 35 dhibcood waxaana Kalainta 5 ku jira Arsenal Horyaalkana waxaa 49 dhibcood ku Hogaaminaya Man utd dhigeeda Man city waxa ay leedahay 42 dhibcood,halka Kaalinta 5 ay kaga jirto Everton pp leh 33 dhibcood Rajadeeeduna wanagsanaan karto Xaga kala sareynta Hadii ay Maanta Badiyaan oo ay la soo dagi doonto Kaalinta 3 Kooxda Totenham oo leh 36 dhibcood
Waxaa Diyaariyay.
Axmed Maxamed Cabdulle’ Uurdoox’













comment closed