Malaga Oo Laga Ganaaxay Tartamada UEFA, Laakiin Ganaaxa Kuma Jiro Xilli Ciyaareedkan.
Malaga iyo shan kooxood kale oo Yurub ah ayaa laga ganaaxay inay ka qeyb qaataan tartamada UEFA ilaa seddex xilli ciyaareed oo ka bilowda xilli ciyaareedka 2013-14, iyagoo maraya ciqaabtii ugu horeysay ee sharciga dhaqaale wanaaga UEFA.
Kooxda La Liga ka ciyaarta ayaan ganaaxaan uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin ka qeyb qaadashadooda Champions League iyagoo wareega 16ka la ciyaari doona FC Porto, waxaase laga mamnuuci doonaa inay ka qeyb qaataan tartamada Europe ilaa seddex xilli ciyaareed hadii aysan arimaha dhaqaalahooda xalinin 31ka March 2013.
Malaga ayaan bixinin deymo lagu lahaa, taasoo ugu wacan ganaaxaan ay kala kulmayaan UEFA oo sharciga dhaqaale wanaagsa dhaqangelisay xilli ciyaareedkan, iyagoo doonaya inay kooxaha isticmaalaan kaliya lacagta ay soo saaraan.
Malaga ayaa sidoo kale la ganaaxay lacag gaareysa 300 kun euro. Shanta koox kale ee la ganaaxay waxa ay kala yihiin Hajduk Split, Rapid Bucharest, Dinamo Bucharest iyo FK Partizan.













comment closed