Liverpool Oo Qarka U Saaran Inay Soo Xerogeliso Daniel Sturridge Iyo Thomas Ince Bisha Janaayo.
Waxa raabitaanka Brendan Rodgers in Liverpool ay shaqadeeda suuqa kala iibsiga qabsato bilowga bisha Janaayo, waxaana ay haatan qarka u saaran yihiin inay soo xerogeliyaan labada ciyaaryahan ee diirada u saaran.
Weeraryahanka Chelsea Sturridge ayaa la filayaa inay Liverpool ku iibsadaan 12 milyan ginni, halka ay tahay inay Blackpool siiyaan lacag gaareysa 6 milyan ginni si ay Anfield ugu soo celiyaan Ince ka dib 18 bilood ka hor markii ay ku fasaxeen 250 kun ginni.
Sturridge, oo haatan Chelsea kula maqan koobka Club World Cup, ayaa ku dhawaa inuu Liverpool ku biiro bishii August, laakiin waxa uu diidanaa inuu amaah ahaan ugu biiro. Rodgers ayaana weli jecel ciyaaryahankaan, waxaana uu rajeynayaa in saxiixiisa uu soo gabagabeeyo marka suuqa kala iibsiga uu furmo bisha Janaayo.
Dhanka kale Ince ayaa isna loo keenayaa inuu culeyska ka dejiyo Luiz Suarez. Waxa uu ka tagay Anfield 2011, waxaana wixii intaas ka danbeeyay uu shaqo indhoqabad leh u qabtay kooxda Blackpool isagoo shan kulan xilli ciyaareedkan u ciyaaray xulka England ee U-21.
Rodgers ayaa sheegay bishii hore inay raadinayaan ciyaaryahano kooxda ka caawin kara inay hore u socdaan, waxaana 20 jirka Ince iyo 23 jirka Sturridge loo arkaa kuwa ku haboon Liverpool. Rodgers ayaa sidoo kale doonaya ciyaaryahanka Arsenal Theo Walcott.















comment closed