Haweeneydii dunida ugu dheereyd oo ku geeriyootay dalka Shiinaha+Sawirro
Yao Defan oo ahayd 39 sano jir loona aqoonsaday inay tahay haweeneyda dunida ugu dheer ayaa ku geeriyootay bariga dalka Shiinaha.
Haweeneydan oo buugga lagu qoro rikoorka dunida u aqoonsaday inay tahay haweeneyda dunida ugu dheer ayaa dhererkeedu waxa uu gaaray 7 feet iyo 7 inches.
Wakaalada wararka dalka Shiinaha ayaa shaacisay in haweeneydan ay ku geeriyootay gurigeeda oo ku yiil gobolka bari ee Anhui 13kii bisha November ee sanadkan.
Buugga lagu qoro rikoorada dunida ayaaa bishii Janaayo 2010 u aqoonsaday haweeneydan inay tahay tan ugu dheer caalamka.
Wargeyska Xin’an Evening News oo warkan daabacay ayaan sheegin sababta ay u geeriyootay haweeneydan hase yeeshee waxaa hore loo shaaciyay in haweeneydan ay qabtay xanuun sababay in koriinshaheeda uu si xowli ah ku koro.
Wargeyska ayaa qoray in Yao ay baratay sida loo ciyaaro kubbada kolayga markii ay ahayd 15 sano jir.
Haweeneydan ayaa cajalad video ah oo laga duubay saddex sano kahor waxa ay ku sheegtay in ay ku faraxsan tahay dhererkeeda maadaama dadka ay jecel yihiin inay daawadaan muuqaalkeeda dheer.














comment closed