Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo Gaadhay Caasimada Soomaliya ee Muqdisho
Waxaa magaalada Muqdisho gaadhay wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamanka Dalka Jabuuti Idiris Cali, iyadoo ay garoonka Aadan Cade uu ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Barlamanka Soomaaliya Prof. Jawaari.
Gudoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in imaashaha afhayeenka baarlamanka Jabuuti uu yahay mid xoojinaya xiriirka ka dhaxeeya labada dal isagoona carabka ku dhuftay in uu yahay guddoomiyihii ugu horeeyay oo ka socda dalalka afrika ee yimaada Muqdisho.
Sidoo kale Guddoomiyaha barlamanka Dalka Jabuuti oo la hadlay Saxaafada ayaa tilmaamay in Jabuuti ay sii hormarin doonto xiriirka ay la wadaagto Soomaaliya islamarkaana uu doonayo in uu arrimo badan oo barlamanka labada dhinac quseeyo uu kala hadlo dhigiisa Soomaaliya.
Labada Guddoomiye iyo xubno weliyay ayaa u anbaxabay dhanka Madaxtooyada Villa Soomaaliya halkaasi oo lagu wado in Guddoomiyaha Barlamaanka Jabuuti uu kula kulmo Madaxda dowladda Soomaaliya iyadoona lagu wado maanta in ay ka qeyb galeen kulanka baarlamanka Soomaaliya ee ka socda xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho..













comment closed