Falanqeynta Kulamada Xiisaha Leh Ee Horyaalka Premier League Ee Maanta La Ciyaarayo.
Chelsea ayaa raadineysa guusheedii ugu horeysay tan iyo intii uu macalin u noqday Rafael Benitez kulanka ay maanta la ciyaarayaan kooxda West Ham United, halka labada kooxood ee Manchester ay hogaanka horyaalka ku baratamayaan.
Kulanka: Chelsea v West Ham
Garoonka: Upton Park
Waqtiga: 3:45 p.m xilliga Soomaaliya
Indhaha oo dhan waxa ay ku sii jeedaan maanta Upton park iyadoo kulanka ugu soo horeeya horyaalka Ingariiska uu halkaas ku dhexmari doono kooxaha West Ham iyo Chelsea oo 7 dhibcood dib uga dhacday hogaanka horyaalka ka dib markii barbarahoodii labaad oo isku xiga ay habeenkii arbacada la galeen kooxda Fulham.
Benitez ayaa ku qanacsanaan doona kulan kale oo ay shabaqa ilaashadaan, laakiin waxa uu u baahan yahay guul uu ugu yaraan isaga fujiyo taageerayaasha Blues ee ku gadoodsan, waxaana uu tartan adag kala kulmi doonaa West Ham oo ku jirta kooxaha kala bar ugu sareeya horyaalka.
MAXAA KA CUSUB?
West Ham ayaa dib u heli doonaa ciyaaryahanka khadka dhexe Mark Noble kaasoo ganaax ka soo laabtay. Noble ayaa seegay kulankii bartamaha isbuuca ee Manchester United ka dib shan jaale oo uu qaatay xilli ciyaareedkan. Weeraryahan Andy Carroll ayaa dhaawac yar uu jilibka ka soo gaaray laakiin waxaa la qiimeyn doonaa xaaladiisa kulanka ka hor.
Chelsea waxaa weli ka maqan John Terry, Frank Lampard iyo Daniel Sturridge. Terry iyo Lampard ayaa ku soo laabtay tababarka, laakiin tababaraha ku meelgaarka ah Rafa Benitez ayaan dooneynin inuu si degdeg ah dib garoonka u soo geliyo isagoo isha ku haya Club World Cup. Ciyaartaan ayaa sidoo kale waxaa ka maqnaan doonaa Daniel Sturridge oo weli taam aan noqon taasoo la micno ah in mar kale uu Fernando Torres weerarka hogaamin doono.
Kulanka: Reading v Manchester United
Garoonka: Madejski Stadium
Waqtiga: 8:30 p.m xilliga Soomaaliya
Guushii ay Manchester United ka gaartay West Ham bartamihii isbuucaan ayaa u sii ogolaatay inay hogaanka hal dhibic kaga sii hayaan Manchester City, waxaana Sir Alex Ferguson uu ku faraxsanaa qaabka difaacyadii ay u ciyaareen. Red Devils ayaa isha ku heysa inay hogaankeeda sii xajisato marka ay booqdaan maanta Madejski Stadium oo ay la kulmayaan Reading.
MAXAA KA CUSUB?
Jimmy Kebe ayaa shaki uu ku jiraa inuu u ciyaari karo Reading, laakiin waxaa Reading dhaawac weli kaga maqan Alex McCarthy iyo Jem Karacan.
Manchester United ayaa waxaa ka maqnaan doona Nani iyo Antonio Valencia. Nani ayaa garoomada ka sii maqnaan doona afar ama shan isbuuc kale, halka Valencia uu soo gaaray dhaawac sinta ah. Paul Scholes ayaa ka soo laabtay ganaax, halka Ryan Giggs uu isna taam yahay.
Kulanka: Manchester City v Everton
Garoonka: Etihad Stadium
Waqtiga: 6:00 p.m
Manchester City ayaa fursad u heli karta inay hogaanka horyaalka ku soo laabato xitaa ugu yaraan saacado hadii ay ka badiyaan Everton, madaama ay ciyaarayaan ka hor kulanka United.
Kooxda Roberto Mancini ayaan xilli ciyaareedkan weli laga badinin, waxaana ay arbacdii 2-0 ku soo dubteen Wigan taasoo ka dhigeysa inay weli ku daba jiraan United. City ayaan sidoo kale aan kulan horyaal ah looga badinin garoonkooda tan iyo December 2010kii.
MAXAA KA CUSUB?
Ciyaaryahanka khadka ee Manchester City James Milner ayaa seegi doona kulankaan. Ciyaaryahanka reer England ayaa dhaawac uu soo gaaray wax yar ka dib markii uu shabaqa ka soo taabtay Wigan kulankii arbacada, laakiin waxaa la filayaa inuu soo laaban doono kulanka lawada sugi la’ yahay ee isbuuca danbe ay la ciyaarayaan Manchester United.
Ciyaaryahanka kale ee khadka dhexe Jack Rodwell iyo daafaca bidix Gael Clichy ayaa ku dhow inay soo laabtaan laakiin weli diyaar ma ahan, halka daafaca midig Micah Richards uu dhaawac la maqan yahay weli.
Everton dhibaatooyin dhowr ah ayaa heysta. Leighton Baines iyo Nikica Jelavic ayaa shaki uu ku jiraa. Seamus Coleman, Kevin Mirallas iyo Victor Anchebe ayaa iyagana wajihi doona in la baaro ka hor kulankaan. Halka Phil Naville uusan soo laaban doonin ilaa iyo sannadka soo socda.
Kulanka: Liverpool v Southampton
Garoonka: Anfield
Waqtiga: 6:00 p.m xilliga Soomaaliya
Southampton iyo Liverpool ayaa labadoodaba xilli ciyaareedkan siyaabo kala duwan u dhibtoonaya. Southampton ayaa ku dhibtooneysa inay ka baxdo qatarta ay ugu jirto inay ka harto Premier League iyadoo ku soo laabatay uun xilli ciyaareedkan, halka Liverpool oo habeenkii arbacada ay guuldarro ka soo gaartay Tottenham ay ku jirto kaalinta 12aad.
MAXAA KA CUSUB?
Ciyaaryahanka khadka dhexe eee Liverpool Lucas Leiva ayaa ku soo laabtay kooxda ka dib seddex bilood uu dhaawac ku maqnaa. Ciyaaryahanka reer Brazil ayaa ugu danbeyn ka soo bogsaday dhaawac bowdada ah, halka Joe Cole uu isna taam buuxa uu noqday. Daafaca Andre Wisdom oo kursiga keydka fadhiyay kulankii White Hart Lane ka dib dhaawac jilibka uu ka soo kabsaday ayay macquul tahay in maanta lagu soo bilaabo.
Goolhayaha cadaadiska uu saaran yahay Paulo Gazzaniga ayaa u muuqda mid markale ku soo bilaaban doona Southampton. 20 jirkaan reer Argentina ayaa qaladaad waa weyn sameeyay xilli ciyaareedkan oo ay ku jirto barbarihii uu u ogolaaday Norwich kulankii arbacada. Danny Fox ayaa isna laga yaabaa inuu ka soo laabto jilib uu ka sheeganayay, halka Frazer Richardson iyo Richard Chaplow ay ku dhow yihiin inay soo laabtaan.
Kulanka: Arsenal v Swansea
Garoonka: Emirates Stadium
Waqtiga: 6:00 p.m xilliga Soomaaliya
Arsene Wenger ayaa qasab ay ku noqotay inuu la hadlo taageerayaasha ku careysan kuwaasoo ku ooriyay bedel uu sameeyay kulankii barbaraha ku dhamaaday ee Aston Villa, iyagoo sidoo kale ay Arsenal barbaro kale la gashay arbacadii kooxda Everton.
Gunners ayaan dooneynin inay wajahdo dib u dhac kale, laakiin Swansea ayaa iyadana kalsooni ku qabta inay natiijo ka heli karto Emirates Stadium. Kooxda Michael Laudrup ayaa hal dhibic ka danbeeysa Arsenal waxaana ay ciyaareen xilli ciyaareedkan kubado soo jiidasho leh, iyadoo aan laga badinin shantii kulan ee u danbeysay.
MAXAA KA CUSUB?
Daafaca midig Bacary Sagna ayaa shaki uu ku jiraa sababtoo ah dhaawac cagta ah. Theo Walcott oo canqowga xanuun ka dareemaya iyo Lukas Podolski oo virus uu soo wajahay ayaa iyagana xaaladooda la qiimeyn doonaa. Daafaca Laurent Koscielny ayaa isna dhaawac ah, halka Andre Santos iyo Abou Diaby ay weli soo kabsanayaan.
Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Swansea Pablo Hernandez ayaa laga yaabaa inuu kulankaan ka maqnaado ka dib dhaawac soo gaaray kulankii ay arbacadii ka badiyeen kooxda West Brom, waxaana booskiisa buuxin doona Jonathan de Guzman. Chico Flores ayaa diyaar noqon doono inkastoo uu dhibaato ka qabay garabka.













comment closed