Dowladda Itoobiya oo sheegtay inay wadahadal la fureyso Jabhadda ONLF
Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia ayaa sheegay in ay muhiim tahay si meesha looga saari lahaa dagaalada udhaxeeya ONLF iyo Ethiopia sidaa owgeena ay muhiim tahay inay labada dhinac wadahadal galaan.
Wuxuu tilmaamay inay wanaagsan tahay in wax waliba wada hadal lagu dhameeyo si meesha looga saaro dagaalka islamarkaana lawada sugo natiijada wada hadalka wixii kasoo baxa.isagoo aan xusin inay hadda jiraan wadahadalo kale oo labada dhainac u dhexeeya maadaama uu hoey u bur buray wadahadalkii u dhexeeyey ee ka socday gudaha dalka Kenya gaar ahaan Magaalada Nairobi
ONLF iyo Dowladda Ethiopia ayaa muddo ku dagaalamaye meelo kala duwan oo kamid ah dhulka Dowladda deegaan Soomaalida kilinka Shanaad ee itoobiya heysato ayaa wadahadaldii u dambeeyey waxay ka dheceen Magaalada Nairobi kuwaas oo fashilmay kadib markii ay dowladda itoobiya shuruud adag ku xirtay wadahadalka taas oo aheed in marka hore jabhadda ONLF ay aqoonsato dastuurka u yaala dalka itoobiya .
Afhayeen u hadlay Jabhada ONLF oo ka hadlayey shuruuda ay soojeedisay dowladda Itoobiya ayaa sheegay inaysan marna aqbaleynin shuruudaasi wax kasta oo dhaca wuxuuna intaasi ku daray in haddii ay aqoonsadaan dastuurka itoobiya ay aqoonsadeen inay itoobiya ka mid yihiin arrintuna ay noqoneyso arrin utaal itoobiya dhexdeeda wuxuuna intaasi ku daray in haddii ay aqoonsanayihhiin dastuur itoobiya leedahay aysanba dagaal galeen sidaa owgeed aysan marna aqoonsaneynin sida uu yiri dastuurka itoobiya fashilka ku yimid wadahadalkana ay itoobiya ka mas,uul tahay.















comment closed