Daawo Sawiro) Qaar Kamida Qurba Joogta Kasoo Jeeda Gobolka Cayn Oo Deeq Lacageed Soo Gaadhsiiyey Xarunta Agoomaha Ee Buuhoodle
Qaar kamida qurba joogta kasoo jeeda Gobolka Cayn ayaa deeq lacageed soo gaadhsiiyey xarunta agoomaha ee Magaalada Buuhoodle, iyagoona qurba joogtu ay u soo wakiisheen deeqdani lacagta ah Sheekh Cumar Soodaani iyo Sheekh C/rashiid Xaaji Samatar oo kamida labadooduba culuma awdiinta Gobolka Cayn.
Deeqdani oo dhan 9344 oo Dollar ayaa waxa ay Sheekh Cumar Soodaani iyo Sheekh C/rashiid Xaaji Samatar oo ah wakiilada loo soo igmaday deeqdani ay ku wareejiyeen C/nuur Xaaji Maxamuud Aw Muuse oo ah mas’uulka gacanta ku haya dhamaystirka dhismaha xarunta agoomaha ee Magaalada Buuhoodle. Hadaba waxaa ugu horeynba goobtaasi ka hadlay isla markaasna ka warbixiyey cida soo dirtay deeqdani Sheekh Cumar Soodaani oo kamida wakiilada loo igmaday deeqdani.
Sidoo kale waxaa isla gootaasi isna ka hadlay Sheekh C/rashiid Xaaji Samatar oo isna ah wakiil loo igmaday inuu deeq lacageed gaadhsiiyo xarunta agoomaha ee Magaalada Buuhoodle, isagoona wax ka xusay cida soo dirtay magacyadooda.
Magacyada Dadka Soo Diray Deeqdani
- Jaaliyada Reer Buuhoodle ee Bris Bane Austrelia $ 2500
- Aadan Maxamed Aw Yuusuf
- Mubaarik C/laahi Xasan Dhamac
- Maxamuud Dahable
- Farxaan C/laahi Diiriye
- Tusmo Dhuux Obsiiye $ 2644 London UK
- Xasan Faarax Kooreeye $ 100
- Muuse Seeraar Yuusuf $ 3000
- Aadan Xasan Nuur Musanbiig $ 1000
- C/laahi Saleebaan Maxamed Gaabuush Imaaraadka $ 100
C/nuur Xaaji Maxamuud Aw Muuse oo isna ah mas’uulka gacanta ku haya dhamaystirka xarunta agoomaha ee Magaalada Buuhoodle oo hadalkaasi hadalo kasoo jeediyey ayaa isna geestiisa si weyn u soo dhoweeyey deeqdani.
Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Afrika faraceeda Magaalada Buuhoodle Dr. C/shaafi Axmed Cali oo goobtaasi ugu dambeyntii ka hadlay ayaa waxa lagu farxo ku tilmaamay si wacan ee ay uga qayb qaateen qurba joogtani hawlaha khayrigaa, isagoona illaahay uga baryey inuu wax khayr leh ugu badalo ka qayb qaadashada hawshani.
Halkan Ka Daawo Sawiro
Isku soo wada duuboo deeqdani ayaa qayb ka noqonaysa deeqo kala duwan oo bilihii ugu dambaysay ay xarunta agoomaha ee Magaalada Buuhoodle soo gaadhsiiyeen dad muxsiniin ah oo kasoo jeeda deegaanka Buuhoodle.
widhwidh.com
buuhoodle
my maxamed wardi






























comment closed