(Daawo Sawiro) Naxdin Leh Ciidanka Puntland Oo Al.shabaab Werartay
Wararka ka imaanya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in goor dhow qarax xoogan lala eegtay ciidamo ka tirsan Puntland, isla markaana khasaaro badan uu soo gaaray.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxaan lagula eegtay ciidamadaan wadada isku xirta magaalada Boosaaso deegaanka Sugurre ee gobolka Bari oo 45-km dhinaca Koonfur-galbeed kaga beegan degmada Boosaaso.
Afar ka mid ah labada dhinac ee dagaalku u dhexeeyay ayaa ku dhintay, toddoba kalena way ku dhaawacmeen, iyadoo gaari ay wateen ciidammo ka tirsan Puntland oo gurmad ah uu qarax haleelay, iyadoo isla goobta ay ku dhinteen shan askari halka laba kalena ay ku dhinteen isbitaalka Boosaaso.
Qaraxaan oo ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala bartilmaameedsaday gawaari ay wateen ciidamo iyo saraakiil ka tirsan maamulka Puntland.















comment closed