Ciidamada SNM oo isku habar wacday Dagaal Rogaal Celin ah Magaalada Xudun iyo Co. Caare Iyo Doolaal Gacamah Iskula Tagay
Dagaal ayaa ah mid la qorshaynayo in lagula wareego gabi ahaaba Magaalooyinka Xudan iyo Taleex oo la doonayo in lagu soo afjaro Maamulka Khaatumo State hada u ah xarunta magaalada Taleex. Waxaa kale oo dhinac socda in Isgaadhsiinta oo dhan laga jaro gabi ahaaba deegaanadaas oo ku xidhan Gobolada Bari ee magaalada Bosaaso waxaana iska gaashayna maamulka Puntland iyo Kan Soomalilandba.
Dhinaca kale dagaaladii labada casho ka dhacay duleedka magaalada Xudan ayaa ahaa mid cashar loogu dhigay maamulka Hargaysa oo isku qaaday deegaan aysan taariikh ahaan aysaba aqoon u lahayn cida ku nool. Waxaana saacado gudohood kaga dhintay Saarkiishii ku qooqi jirtay magaalada Lascanood siiba ninkii la odhan jiray Canjeex had iyo jeer caayi jiray dadka reer Lascanood.
Mid ka mid ah websiteda ku hadal afka reer Hargaysa ayaa waraysi ay la yeesheen Canjeex walaakiis ayaa aad ugu xumaaday nin walaakiis gabihiisa lagu aaso ”War qofku dagaalka uu ku dhintaa laakiin in kabihiisa lagu aaso waa arin naxdin leh. miyaa la qarinyaa waxaa meesha iiga soo baxday ayuu yidhi rag badan lagu qariyay dagaalkii Kalshaale iyo kan Xudan ka dhacay ee walaakay kabihiis lagu aasay.
Dagaalka ka dhacay Duleedka magaalada Xudan ayaa ahaa mid qasaaro xoogan soo gaadhiiyay maamulka Hargaysa waxaana halkaas kaga dhitnay ciidamo badan iyo waxayna ku waayeen gawaadhi badan oo gaashaam. inkasta oo laga qarinayay shacabka Burco iyo Hargaysa ayaa waxaa lagu maaweeliyay war Xudan waanu soo afjarnay ee hadana waxaanu ku sii jeednaa Magaalada Taleex.
Co. Caare oo qaabilkasta dhinaca Sirdoonka Mamaulka Hargaysa ayaa ka been sheegay deegaanka Xudan iska oo ka dhaadhiciyay in dadka reer Nugaaleed aysanba dagaalamin oo iska cararaan, sidii lascanod ay ugu carareen oo kale, waxaase arinkaas markiii danbe dagaal gacan hadalka dhexmaray Doolaal oo ka soo jeeda Beesha arab sheegayna inuu Co. caare ka been sheegay Magaalada Xudan.
Isku soo wada duubow waxaa muuqta in hada ay wadaan dagaal rogaal celin oo lagu qaadayo magaalada Xudan ee Gobolka Sool, waxaa laga yaabaa in dagaalkaasi uu noqto mid ka xun kii kalshaale ka dhacay oo kale.














comment closed