Ciidamada Kenya oo isku Gadaamay Xaafada Juja Road ee islii
Waxaa goor dhawayd Ciidamada Kenya ay markale ka bilaabeen Howlgalo ay saraakiisha amaanka Kenya ay sheegeen in ay ku sugayaan amaanka xaafadahaas.
Ciidamada Kenya ayaa isku gadaamay xaafada Juja Road, kadib markii laga helay sida la sheegay Walxaha Qarxa.
Ciidamada Kenya ayaa maalmihii la soo dhaafay waxay dad gaaraya 360 qof ka qab qabteen magaalada Nairobi gaar ahaan xaafada Somalida dagto ee islii.
Sidoo kale ma jiraan wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha amaanka Kenya oo ku aadan howlgalka saakay ka socda xaafada Juja Road.
Xaafada Islii ayaa waxaa wali ka soconaya howlgallo balaaran oo ay ciidamada ku bartilmaameedsanayaan dadka sida sharci darada ah Kenya ku jooga.













comment closed