Ciidamada AMISOM oo Madaafiic ku Garaacay Deegaanka Dhanaane ee Shabeelaha Hoose
Wararka ka soo baxaya gobollka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM ee halkaa ku sugan xalay madaafiic dhowr ah ku garaaceen deegaannka lagu magacaabo Dhanaane oo u dhaxeeya degmooyinka Marka iyo Afgooye.
Wararku waxaa ay sheegayaa in deegaannka la weeraray ay ku sugnaayeen dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo qeyb ka ah xoogagga ka dagaallama gobollkaas.
Wararku waxaa ay sheegayaan in madaafiicda ay tuurayeen ciidamada AMISOM siweyn looga maqlayay guud ahaanba degmada Afgooye, sida ay warbaahinta u sheegeen dad ku sugan degmada.
Deegaannka ciidamada AMISOM ay bartilmaameedsadeen ayaa ah dhul howd ah oo inta badan ay ku dhuumaaleystaan xoogagga Al-shabaab, ilaa iyo haddana lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeynta.
Sarkaal ka tirsan Maamulka Shabellaha Hoose ayaa sheegay inay jiraan duqeymaha, isla markaana goobaha la bartilmaameedsaday ay ahaayeen goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Al-Shabaab.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca horjoogayaasha Al-shabaab oo la xiriira duqeynta xalay lagu garaacay goobaha ay farisiimaha ku lahaayeen xoogagooda.













comment closed