Bonucci: Waxaan Doonayaa Inaan Isku Soo Aadno Real Madrid Wareega 16ka Champions League.
Juventus ayaa u baahneyd kaliya hal dhibic inay ka helaan safarkoodii Ukraine si ay ugu soo baxaan wareega 16ka, laakiin gool uu gacan ka geystay Giovinco ayaa ka caawisay inay ku soo baxaan kaalinta koowaad ee Group E.
Bianconeri waxa ay wareega 16ka ku soo aadi kartaa kooxaha kale Real Madrid, Porto, Arsenal, Valencia, Celtic ama Galatasaray, waxaana Bonucci uu indhaha ku hayaa safar uu ku tago Bernabeu.
“Marka aan fiiriyo kooxaha aan ku soo aadi karno, iyaga ayaa ah kooxda kooxda ugu qiimaha badan” ayuu Bonucci u sheegay suxufiyiinta ciyaarta ka dib.
“Kaliya Real Madrid ayaa ah kooxda ugu weyn ee ku jirta kooxaha kaalimaha labaad ku soo baxay, laakiin marka aad gaarto wareegaan dhamaantood waa ay wada adag yihiin. Wareega xiga waxaan doonayaa Real Madrid, madaama aanan waligeey ku ciyaarin Santiago Bernabeu.
“Intii uu tartanka socday horumar ayaan sameynay, waxaana inoo korodhay kalsooniada, aaminaada iyo inaan si fiican u darasano kooxaha naga soo horjeeda.
“Waxaan halkaan u nimid inaan ciyaarno ciyaarteena, waxaan hore u sheegnay inaanan u ciyaari doonin barbaro.”
Bonucci saaxiibkiisa ay isku kooxda yihiin Stephan Lichtsteiner, ayaa dhanka kale ku sheegay Celtic inay tahay kooxda uu doonayo inay ku soo aadaan wareega 16ka.
“Dhamaantooda waa kooxo adag. Waxaan jeclaan lahaa inaan ka horimaado Celtic.














comment closed