Barack Obama oo Digniintii ugu Dambeysay u Diray Bashar al-Assad (DAAWO VIDEO)
Barack Obama oo kulan Magaalada Washington kula yeeshay mas’uuliyiinta dalka Maraykanka u qaabilsan hubka wax gumaada ayaa cadeeyay in haddii maamulka Siiriya ee uu hogaamiyo, Bashar Al Asad uu isticmaalo hubka wax gumaada, cawaaqib xumo wayni ka dhalan doonto talaabo adagna laga qaadi doono dhamaan mas’uuliyiinta ku kaca falkaas.
Obama ayaa halis gobolka oo dhan saamayn xun ku yeelan doonta ku tilmaamay, Madaxweyne Asad iyo maamuulkiisa oo mucaaradka u adeegsada hubka sida xun wax u gumaada ee kimikada ah, waxaanu si adag u sheegay in cawaaqib xun ay ka mudan doonaan haddii ay sidaa yeelaan.
Xukuumada Washington ayaa marar kala duwan ka hadashay welwelka ay ka qabto in Bishar Al-Asad iyo maamulkiisu haddii xaaladu ku xumaato ay hubka kimikada ah u adeegsan doonaan mucaaradka dalkaas, talabadaas oo khalkhal iyo halis wayn ka abuuri doonta gobolka sida ay ku doodayaan mas’uuliyinta Mareykanka.
Dhinaca kale xukuumada Siiriya ayaa markasta beenisa wararka iyo eedaymaha noocaas oo kale ah, kuna tilmaanta kuwo aan sal iyo raad toona lahayn oo aan ka suuragalin iyaga oo kale, waxaanay mas’uuliyiinta Siiriya ku tilmaamaan hadalada noocaas oo kale ah kuwo xaqiiqada iyo runta ka fog.














comment closed