Afar Qof Oo Ku Dhintay Dagaal Imika KaSocda Hargeysa iyo Dhaawac Kaladuwan
Published on Dec 06 2012 // WARAR, Wararka Somalia
Hargeysa (widhwidh OnlineGoob jooge Xuseen Odawaa oo aanu la xidhiidhnay aya noo sheegay in ugu yaraan ay afar qof dhinteen rasaas ay boolisayku fureen.
Mr Xuseen Odowaa oo degan xaafada Axmed guray, isla markaana wakhitigaas ku sugnaa biriishka Hargeysa ayaa sheegay inuu indhihiisa ku arkay afar qof oo ay rasaasi ku taalo, isla markaana la qaaday.
“waxaan rasaasata kagaga jiray Hotel Dalxiis, waxaan arkay afar qof oo rasaastu ku dhacday oo meyd ahaan loo qaaday”
Sidoo kale waxay wararku intaas ku daradyaa in xaafada New Hargeysa laga soo sheegaayo dhimasho, hase ahaatee lama hubo inta qof ee halkaas ku naf wayday.Rasaasta ayaa ilaa hada ka dhacay labada xaafadood ee Iftin iyo New Hargeysa.
Wixii Ka Soo Kordha Kalasoco Widhwidh Online













comment closed