AC Milan Oo Shaacisay In Wax Dalab Ah Uusan Weli U Imaan Xiddigahooda Robinho Iyo Alexandre Pato.
Robinho ayaa mar kale lala xiriiriyay kooxdiisii hore Santos, halka Pato dhawaan shaki la geliyay mustaqbalkiisa kooxda isagoo sheegay inuu doonayo inuu si joogta ah u ciyaaro.
“Santos malaha waxa ay xiiseyneysaa Robinho, laakiin ujeedkeena ma ahan inaan iibino” ayuu yiri maanta Adriano Galliani.
“Ma jiraan wax dalabyo ah oo u yimid ciyaartoydeena xilligan la joogo. Waxaana qabaa in arinta Pato la xaliyay, wax walbana waxaa laga soo cadeeyay dhanka wakiilkiisa.
“Waxaan kooxda ku heysanaa haatan 32 ciyaaryahan, hadii cidna aysan naga tagin cidna ma imaan doonto. Marka hore waa inaan wax iska iibinaa ka dib aan wax soo iibsanaa, hadii kale sida aan nahay uun baan ahaaneynaa.”
Galliani ayaa mar kale wax laga weydiiyay suurtogalnimada ay ugu dhaqaaqi karaan xiddiga Manchester City Mario Balotelli.
“Balotelli? Waa arin aan dareen xoogan u heyno, laakiin arintaas aan intaas ku dhaafno.” ayuu hadalkiisa raaciyay.
“Waa inaan kooxdeena ka dhignaa 26-27 ciyaaryahan si uu isaga u yimaado, sababtoo ah ciyaaryahano badan ayaan heysanaa.
“Hadii shan aysan bixin, markaas saxiix cusub ma jiri doono.”














comment closed