SOMALIA OO KAALIIN TA LABAAD EE U GU QAXOOTIGA BADAN KASHAY
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR oo warbixin cusub soo saartey ayaa waxa ay ku sheegtay in wadanka Soomaaliya uu kaalinta labaad kaga jiro wadamada ugu qaxootiga badan caalamka.
Wakiilka Hay’adda UNHCR u qaabilsan Soomaaliya Bruno Geddo oo wariyaasha kula hadlayay Magalada Nairobi ayaa sheegay qaxootiga ay si joogto ah u guur guurayan, iyagoo raadinayo meelaha quudinta laga bixinayo iyo meelo xasiloon.
Bruno Geddo ayaa intaasi waxa uu raaciyay in dhawaan ay tagi doonaan magalada Afgooye iyo deegannada u dhaw dhaw si ay halkaasi usoo arkaan kumaan dad ah oo halkaasi ku barakacay mudadii ay dagaalada ka dhacayeen Magaalada Muqdisho.
UNHCR ayaa sheegtay in abaarihii ka dhacay wadanka Soomaaliya ay kor u qaadeen tirada qaxootiga ee wadamada dariska u barakacay iyo kuwa dalka gudihiisa ku barakacay.
UNHCR ayaa hadalkeeda kusoo beegaya, iyadoo loo dabaal dagayo maalinta qaxootiga caalamka, waxaana ay warbixinta sheegtay in sanadkan uu noqday midkii ugu badnaa ee 10-kii sano ee lasoo dhaafay ay qaxooti la diwaan galiyey.














comment closed