Intii u danbaysay maleeshiyaadkii ku sugnaa Jiida hore Lascanood iyo inta u dhaxaysa Burco iyo OOG oo loo soo raray Qorulugud
By Maxmed on Jan 27, 2012 with Comments 0
Wararkii u danbeeyay ee soo gaadhaya Xafiiska radiowidhwidh ee magaalada Burco ayaa sheegay in maleeshiyaadka ugu danbeeyay la raray saaka illaa xalay oo eegayay Magaalada Qorulugud kadib markii cagta la mariyay maleeshiyaadkii ku soo deegaanka Buuhoodle.
Xaaladaha Guud ee magaalada Burco iyo Hargaysa ayaa ah mid si wayn looga dareemayay dagaalkan ka dhacay magaalada Sooljoogto oo ahayd meel si xun loogu jabiyay maleeshiyaadka SNM ee wax ka soo maqan aysan jirin.
Wararkada naga soo gaadhay magaalada OOG ayaa sheegay in muusanow xoogan uu kula dhexdhacay maleeshiyaad aad u tiro yar oo ku sugnaa duleedka Magaaladaas, isaga oo leh war ragii dhamaade ee maxaa hadhay waa hadalkii Taliyaha maleeshiyaadka SNM Maxamed Xasan C/laahi(jidhif) oo ah Taliyihii badalay Nuux Taani.
Maleeshiyaadka la keenay Qorulugud ayaa ah kuwii u danbeeyay ee gurmad ah oo ku hadhay deegaanada SNM, waxaana gurmadkan wata Taliyaha maleeshiyaadka SNM Maxamed Xasan C/laahi(jidhif) oo saacadihii u danbeeyay ka soo dagay laamiga OOG.
Waxii warar ah kala soco Radiowidhwidh Xafiiska Burco
Halkan Hoose Ka dhagayso Heest WidhWidh Online
widhwidh@gmail.com
Isha Wararka ee Radiowidhwidh.com


