Buuhoodle:Maamulka Khaatumo oo ka hadlay dagaalkii shalay (Sawiro)

Golayaasha kala duwan ee maamulkii dhowaan lagusoo dhisay Taleex ee Khaatumo State of Somalia, sida golaha dhaqanka, golaha madaxtooyada, iyo gudiga sare ee sagaalka xubnood ayaa maanta shir ay ku qabteen magaalada Buuhoodle waxay uga hadleen, dagaalkii shalay ka dhacay duleedka magaalada Buuhoodle waxayna dagaalkaasi ku tilmaameen duulaan gardaro ah oo uu wado maamulka Somaliland.

Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay Maxamed Yuusuf Jaamac (Indhasheel) & Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) oo kamid ah golaha madaxtooyada ee Khaatumo State.
Dr Cali Khaliif Galyr ayaa kamid ahaa dadkii halkaasi ka hadlay waxaana uu faah faain ka bixiyey ujeedooyinka dagaalka ay somaliland kusoo qaadayso gobolka Cayn iyo gobolada kale ee SSC, isagoo arintaasi ka hadlayana waxaa uu sheegay.

Ugaas Cabdilaahi Ciise oo kamid ah madaxda dhaqanka ee Sool,Sanaag & Cayn kana mid ah golaha dhaqanka ee maamulka Khaatumo ayaa isna halkaasi ka hadlay waxaana uu shacabka ugu baaqay inay marwalba u taagnaadaan isdifaacidooda.

Si kastaba ha ahaatee hadalkani maanta ay sheegeen madaxda sare ee maamulka cusub ee Khaatumo State ayaa kusoo beegmaya xili dagaal khasaare lixaadleh geystey uu shalay ka dhacay magaalada Buuhoodle duleedkeeda.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 




widhwidh@gmail.com


Isha Wararka ee Radiowidhwidh.com

Filed Under: FEATUREDNEWSWARAR

RSSComments (0)

Trackback URL

Comments are closed.