Wafti ka socda Khaatumo State oo gaarey Buuhoodle (Halkan Ka DaawoVideo)

Magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn ayaa duhurnimadii maanta waxaa siweyn loogu soo dhoweeyey wafti balaadhan oo ay horkacayaan madaxda maamulka dhowaan lagu yagleelay degmada Taleex ee Khaatumo State, & gudigii lahaa fikrada shirkii Khaatumo ee hore loo oran jirey G6 hadana loo bedeley g9 ama kooxda sagaalka xubnood,

Waftiga oo saaka kasoo kicitimay degmada Taleex ayaa dadweyne aad u tirabadani uga hortageen meel ilaa 20 km duleedka ka ah magaalada Buuhoodle, waxaana markii danbe ay dadka kula hadleen garoonka kubada cagta ee magaalada Buuhoodle halkaasi ugu horayn waxaa ka hadlay Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash ) oo dhowaan loo doortay madaxweynaha maamulka Khaatumo State.

Maxamed yuusuf jaamac (indhasheel) madaxweynaha labaad ee Khaatumo State ayaa isna halkaas hadal kajeediyey waxana hadalkiisa uu kaga hadlay dagaalka ka socda deegaano katirsan gobolka Cayn isagoo sheegay inaan la is horfadhiyeyn sida uu hadalkiisa u dhigay.

Halkaas sidoo kale dadkii ka hadlay waxaa kamid ahaa Cali Ciise Cabdi oo kamid ah gudiga 9-sagaalka xubnood ee horena loogu yeedhi jirey g6 waxaana uu uga mahadceliyey dadweynaha Buuhoodle sida ay usoo dhoweeyeen.

Si kastaba ha ahaatee waftigani maanta soo gaarey magaalada Buuhoodle ayaa ahaa kuwii ugu balaarnaa oo soo gaara deegaanka gobolka Cayn intii lagu dhawaaqay maamulka Khaatumo

 

HALKAN HOOSE  RIIX OO DAAWO MUQAAL KA KHUDBADAHA SOO DHOWEYNTA WAFTIGA




widhwidh@gmail.com


Isha Wararka ee Radiowidhwidh.com

Filed Under: FEATUREDNEWSWARAR

RSSComments (0)

Trackback URL

Comments are closed.